Sanadguuradii 52-aad Ee ciidanka Soomaaliya oo laga xusay Garoowe

April 12, 2012 - Written by

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ayaa waxaa uu maanta ka qayb galay xaflada lagu xusayey sanad guurada 52-aad ee ka soo wareegtay markii ciidanka xoog ga dalka Soomaaliya la aasaasay, xafladaaan ayaa waxaa ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeen ka Puntland Gen.Cabdi samad Cali Shire ,taliyaha ciidanka daraawiishta Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ,Wasiiro Saraakiil ,xildhibaano ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntlland iyo Qunsulka Safaarada Itoobiya Asmlasha Wal-meerat   iyo saraakiil ka socda Itoobiya iyo marti sharaf kale.

Ciidanka Daraawiishta ee Puntlland ayaa waxaa ay salaan sharaf siiyeen Madaxweynaha dowlada Puntlland Dr. Cabdiraxmaan Faroole iyo madaxweyne ku xigeenka Gen. Cabdisamad Cali Shire  iyagoo socod dheer oo gaadakaciyaar ah ku dhexmaray xeradda 54aad oo ah oo saldhiga ugu weyn ee lagu tababaro ciidanka Daraawiishta ee Puntlland.

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole oo markii ay xaflada dhamaatay hadal kooban u jeediyey ciidanka daraawiishta ee Puntlland ayaa waxaa uu ugu baaqay in ciidanka daraawiishta ee Puntlland looga baahan yahay in ay difaacaan midnimada iyo qaranimada dalka Soomaaliya wuxuuna xusay in ay  maanta tahay maalin ku weyn soomaalida loona baahan ýahay in la xuso maadaama ciidanku yahay wax ugu muhiimsan oo umadi yeelato si sharafteeda ay u ilaalsato .

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa waxaa uu kula dardaraamay ciidanka daraawiishta Puntlland in ay ku daydaan ciidankii hore xoogga dalka Soomaaliya oo lahaa sharafta  waxaan uu ku booriyey in ay soo celiyaan sharaftii umada dalka Soomaaliyeed iyo midnimadii  Soomaaliya waxaan uu u rajeeyey ciidanka dalka Soomaaliya meel walba oo ay joogaan guul iyo gobanimo iyo in sanadka ka xiga uu alle ku gaarsiiyo nabad iyo baraare.

Dhinac kale Taliyaha ciidanka Daraawiishta dowllada Puntland Gen.Siciid Dheere ayaa waxaa uu khudbad dheer ka akhriyey munaasabada waxaan uu uga hadlay goortii la aasassay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya iyo awoodii ay ku lahaayeen geeska afrika , waxaa kale oo uu ka hadal wax u qabsoomay ciidanka daraawiishta Puntlland sanadkii la soo dhaafay  iyo weliba guulihii ay ciidanku daraawiishtu gaareen iyo dhibaatooyinkii ay la kulmeen sanadkii la soo dhaafay.

Ilaa intii ay burburtay dowladii Dhexe oo uu hogaaminayey alaha u naxariistee Maxamed Siyaad Bare ayaa waxaa dalka Soomaaliya uu noqday baylaha iyada oo dadka Soomaalida ah ay ku dhibaateysan yihiin meelwalba.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online