Shabakaddaha faafiya beenta iyo cayda culimada oo soo kala gooyey muxaadaro uu lahaa Sh Cabdul qaadir Nuur Faarax (Dhagayso)

April 19, 2012 - Written by

Garoowe: Shabakkada Wararka Halgan.net ayaa  waxaa ay wajiga ka feydi doontaa cod la sheegay in Sheekh Cabdul qaadir Nuur Faarax uu leeyahay iyadoo codka Sheekha lagu soo beegay xili Dastuur cusub oo ay yeeltay Puntlland lagu ansixiyey magaalada Garoowe shalay. Howl wadeenada Halgan.net ayaa ku guulaystay ka dib markii ay daba gal ku sameeyeen kuwa lagu ibtileyey cayda culimada iyo weliba ka beensheegidooda oo u furtay baro Internetka ah oo ah kuwo ka dhar la’a akhlaada suuban ee Islaamka lagu yaqaan.

Been abuuro ay faafiyaan webabka ibtilaysan ayaa Shabakada wararka Halgan.net ay dhowr jeer oo hore ay u bayaanisay dadka soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheeda waxaan beenihii ugu weynaa ee dhawaan aan dadka soomaaliyeed u cadaynay ka mid ahaa ku been abuurashadii Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ay sheegeen in uu Mahiga ,Uganda, Burundi, Itoobiya, iyo Beesha caalamka uu u mahad celiyey.

Halkaan ka fiiri been abuurkii ay ka sameeyeen hadda ka hor Sh Cabduqaadir Nuur Faarax

Run ahaantii Halgan.net ma rabin inay u jawaabto Mareego diin ka dhigtay amaano daro cilmi,ku been abuurasho culimada Soomaaliyeed , Shabakaddahaas ayaa dhaqankoodu yahay xadgudub iyo been , beena iyo cayna cidna kaama celiso ee adiga un bay aakhira ku dhibaysaa waxaan kugu filan oo kaliya in bulshada Soomaaliyeed ay ku yiraahdaan war Sheekh hebel iyo Sheekh hebel waan naqaan ileen adiga xagee naga soo gashay culimada dalka Soomaaliya in mudo ah bay umada Soomaaliyeed dhex joogeen waana la yaqaan waxa ay umada u soo qabteen .

Haddaba Akhristo bal aan kuu bindhaamino  Cajalka laga soo jaray codka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha dhowree isaga iyo culimada Soomaaliyeedba , codka Shiikh Cabdqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa laga soo jaray tacliiq kooban oo uu ka jeediyey Muxaadarado uu jeediyey Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed Nadwo cilmiyeed ka dhacday magaalada Qardho, 17 ilaa 23 bisha July, 2009 kii oo uu Shiikh Cabdi Naasir Xaaji Axmed uga hadlay isku xukunka Kitaabka Alle iyo Sunadiisu wa waajib.

Sh.Cabdinaasir Xaaji ayaa si wanaagsan oo shaafi ah dadweynihii dhagaysanayey muxaadarada  ay uga faa’iidaysteen iyadoo markii uu Shiikhu dhameeyey muxaadarada uu Tacliiq kooban uu saaray Fadiilatu Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax allah dhowree.

Hoos ka Dhagayso codkii laga soo jaray tacliiqa Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/hcnaasirAxmed1.mp3]

Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa hadalkiisa ku bilaabay in uusan doonaynin in uu tacliiq saaro muxaadaro uu jeediyey Sheekh Cabdi Naasir Xaaji Axmed oo uu Sheekhu ku sheegay nin aan muxaadaraadkiisa laga dabategin oo uu Sheekhu ula jeeday in Sh Cabdinaasir Xaaji uu si xeel dheer u soo diyaariyo muxaadaraadkiisa.

Sh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu Tacliiqiisa uga digayaa dadka dhaleeceeyey Shareecada Islaamka oo yiraahda gacmaha baa la is goynayaa oo u qaatay in shareecaduba ay tahay xuduuda oo kaliya oo ilawsan in  shareecadu ay tahay in wax walba oo uu alle ku amray aad la timaado kuna dhaqanto , Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in dadka qaar ay moodaan in haddii Shareecada Islaamka la isku xukumo in wadaado kaliya ay dadka u talinayaan oo iyagii la xaaqayo balse arrinkaas ayuu shiikhu ku sheegay in ay yihiin khalad ay fahmeen kuwa Cilmaaniyada ah iyo kuwa siyaasada ka ag dhow ama kuwa bartay qaanuunada ajanabiga ah.

Sh. C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu tacliiqa ku cadeeyey in ay jiraan arrimo dhowr ah oo hortaagan in dadku ay shareecada isku xukumaan waxaa uu yiri Shiikhu waxaa kow ka ah, dad soomaaliyeed oo iyagu reer galbeedka soo tarbiyeeyeen oo raba qaanuno kale ,Madaxda islaamka oo ka baqanaysa reer Galbeedka haddii ay shareecada qaataan  iyo reer galbeedka laftigooda oo duulaan ku ah in ay horistaagaan Shareecada islaamka.

Hoos ka Dhagayso codkii laga soo jaray tacliiqa Sh Cabduqaadir Nuur Faarax

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/sheekhCQaadirdastuur.mp3]

Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa kale oo uu xusay in ay ka mid tahay wax yaabaha dad weynaha ka hortaagan shareecad Islaamka dadkii oo aan ka warqabin ama jahli uga sugan ku dhaqanka shareecada Islaamka sidaas darteedna loo baahanyahay in dadka wax l abaro.

Hoos ka Dhagayso Tacliiqii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ee codka laga soo jaray oo dhamaystiran

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/WujuubutaxakumilakitaabiAllaahTacliiqCabdiqadir.mp3]

Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa sidoo kale xusay in dadweynaha Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslimiin ah wax badan ka og islaamka aadna ugu dhow in ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka sidaas dar teedna loo baahan yahay in lagu dhaqo sharciga Islaamka isagoo ugu baaqay Puntlland in ay shareecada dadeynaha ku dhaqaan isagoo Shiikhu sheegay in maanta cid walba ay qirayso in xalka kaliya uu yahay shareecada islaamka oo kuwii xitaa Cilmaaniyada ahaa iyo kuwii wax ka soo bar tay qaanuunka iyo xitaa kuwa ku jira maamulka Puntlland ay qireen in shareecadu tahay xalka kaliya ee umada Soomaaliyeed.

Sheekh.Cabduqaadir Nuur Faarx ayaa  sheegay in Dastuurka u yaal Puntlland in uu yahay  mid aad u fiican soo dhaweynaya Shareecada Islaamka intii la doono haddaba Shiikh Cabduqadir Nuur Faarax iyo culimada la midka ah ee aqoon diin iyo mid khibradeedba leh  miyaa u aqoon badan Dastuurka ay qorteen Puntlland iyo maamulada kaleba oo ay culimada naseexooyin iyo talo bixin badan ka bixiyeen si shareecada Islaamka loo waafajiyo.

Dastuurka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ee dad Soomali ah qorteen miyaa u dhow shareecada Islaamka mise kan Maraykanka iyo Ingriiska iyo dalalka Yurub oo ay joogaan kuwa beenta faafiyey iyo cayda culimada haystan qaarkood dhalashada dalalkaas oo qofka qaadanaya aan ognahay waxyaabaha laga saxiixo.

Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa si cad u sheegay in xalku yahay shareecada Islaamka umada Soomaaliyeedna ayna diyaar u ahayn wax kasta oo khilaafsan shareecada Islaamkana lana ogaaday in uusan waxba tarayn,Waxaa alle mahadiis ah in bulshada Soomaaliyeed ay ogtahay culimada Soomaaliyeed ee uu ku jiro Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax in loo dhibaateeyey in ay umada u sheegaan in shareecadu tahay xal xabsina u soo galay halka qaar kalena ay ku dhinteen Xabsiga kuwa kalena loo dilay  maxaad shareeecada Islaamka dadka ugu yeeraysaan.

Haddaba akhristo waxaad ogaatay in cajalka Shiikh C/qaadir Nuur Faarax codkiisa laga soo jaray uu ahaa  2009-kii Nadwo ka dhacday magaalada Qardho haddaba waa maxay u jeedadad hadda loogu soo beegay  waad garan kartaa oo waa Habar dhaliwey day alleelo ku waalatay bay soomaalidu tiraahdaa ama nin daad qaaday xubo cuskay.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

29 Comments so far

Leave a comment

  1. asc wr wb. waxaa mahad ideylkeed leh Allaah hufnaaye, waxaan aad ula dhacay difaaca walaalaha HALGAN.NET, walaalayaal halkaa ka sii wada dadaalkiinna aad ku difaacaysaan culumada Soomaaliyeed. kashifa oo fadeexeeya Allaha fadeexeeyee kuwa shaqo ka dhigtay cayda,aflagaadada,been abuurka, afku taagga iyo akhlaaq xumada aradla,aanta lidka ku ah cirdiga culimada dahiran ee u nuuraya sida xidigaha. Rabi ha noo dhawro culumadeenna sida Sh. Maxamed Cabdi Umal, Sh. cabddul-Qaadir Nuur, Sh. Shible, Sh. Maxamed Idriis, Sh.C/Naasir, Sh. C/Raxmaan, Sh.Dr Bashiir Salaad, ma koobi karayee Allaah kuligood ha noo wada xifdiyo, cadawgoodana duf Allah ha ku baxsho.

  2. as cal waxan halkan uga mahad naqayaa ragii inoo fudadayay inaan helo warkii toos ah sida wax udhaceen waxan hal yar ka oran lahaa dhalinyaroy culimada xantooda iyo beenkashegistoodaba waa arin aad uxun hilibka culamada waa sun culimadana iyagana hayska ilaaliyeen amaakin tuhma

  3. Allaah subxaanahu watacaalaa wuu fadeexaynayaa, beentoodana wuu soo qabanayaa, maxaa yeelay Ilaahay waa mid dayib ah waxaan dayib ahayna ma aqbalo. Kuwa raba inay been ugu shaqeeyaan diinta Allah sida ay sheeganayaa waa khasaareen. Dadkaan Ilaahay sharkooda hanaga qabto, waayo waxay caado ka dhigteen dilka, iyo cayda Culumada rabbaaniyiinta ah. Ilaahay raali ka noqon maayo in awliyadiisa la xadgudbo, waa uun ayaamo waxaad cay qortaan hadiina ka toobad keenin Rabina waa idinka aarsan. Walaalaha halgan Ilaahay khayr farabadan ha idinka siiyo cirdiga culumada ee aad difaacaysaan, runtiina waa arin aad u qiimo badan inaa walaalkaa Muslima oo la dulminayo aad u hiiliso. Ilaahow Sh.C/qaadir Nuur Faarax iyo culumada kaleba noo xifdi cilmigoodana nagu anfac,Allaahuma aamiin.

  4. jazallah
    waxaan layaabanahay maxaa laga faaidaa cayda iyo been abuurka culumada saan miyaa diinta loogu adeegayaa hadii ehelkeedi lacaayayo

  5. Subxaanalaah war dadkaan banaystay cayda wadaadada muslimiinta miyaysan ogayn in aakhiro kadanbayso cadaab kadanbayso waxaan leeyahay diinta danbi haka galinina wadaadadana cayda nooga daayaa ilaahay kacabsada

  6. Aad baa walaalay u mahadsatihiin, sida aad u iftiimeysan warar beenta ah ee sheekh ka mid ah sheekhyada ummada Soomaaliyeed laga faafinyo Waa nasiib daro, iyadoo magac Islaam la isticmaalayo in wadaada la duro, oo been laga abuuro, umada lagu daro
    Aaad baad u mahadsantihiin, inkastoo aad gudateen waajibkii saxaafada

  7. يقول الشيخ محمد إسماعيل المقدم في كتابه “حرمة أهل العلم” :

    و من مخاطر الطعن في العلماء :
    التسبب إلى تعطيل الانتفاع بعلمهم …

    و قد نهى النبي صلى الله عليه و سلم عن سب الديك لأنه يدعو إلى الصلاة …

    فكيف يستبيح قوم إطلاق ألسنتهم في ورثة الأنبياء الداعين إلى الله عز و جل ؟!

    قال عز و جل : “ومن أحسن قولا ممن دعا إلى الله وعمل صالحا وقال إنني من المسلمين”

    قال أبو الدرداء – رضي الله عنه- : “ما نحن لولا كلمات الفقهاء”

    و كان الحسن البصري رحمه الله يقول : ” الدنيا كلها ظلمة إلا مجالس العلماء”

    و قال الإمام السخاوي رحمه الله : ” إنما الناس بشيوخهم فإذا ذهب الشيوخ فمع من العيش

  8. asc wr wb ilaahay ha idinka abaal mariyo difaaca culumada kuma wax ka sheegooda ku caan baxayne ilaahay ha soo hanuuniyo

  9. salaamu calaykum

    waxaan u mahad u celinayaa alle subxaanah ka dibna walaalaha Maamulka iyo Wariyaasha Halgan.net oo u duuban difaaca diinta iyo culumada Soomaaliyeed kuwa culumada caayaya ha iska qeyliyaan ey qeylisay akteena kama aha,

  10. waad mahadsantihiin, bahda halgan, xaqiiqdu waxay tahay , dadka wax kuqora websityada caadaystay wax kasheega culiamda soomaliyeed in ay yihiin dad badan oo is huwan, oo ah dad kala jaadjaad ah oo masaalixdu midaysay, qaar usheqeeya jihooyin cadow ah , oo ummadan soomaaliyeed ee buburtay raba in ay israaciyaan, oo culimadda oo ah halka kaliya ee ay ka dhaqdhaqaaqayaan lala diriro, qolada kalle waxaa weeyaan waa qolada fikirkoodu qaloocday oo u arka in ay ilaahay ugu dhawaanayaan cayda iyo wax ka sheega culimadda@ labaduna makala sokeeyaan.

  11. walaalayaal laakiin soo sheega meesha laga soo jaray hadalkaan ah dastuurka puntland waa kii ugu fiicnaa

  12. Salaamulaahi calaykum
    aad baan idiin mahadcelinayaa walaalaha halgan.net sidaad u difaacaysaan Cullimadda muslimiinta meel walbo ey joogaan weligeey ma arag websidekiina oo kale mid la mid ah ilaahey qeyr ha ina siiyo waalaýaal adinka iyo awlaadiinaba

  13. jazaakamullaahu khayran ikhwaanii ilaahayna ha idinku garab galo hawshaan wayn oo aad ummada u haysaan maalin kale ayaa u baxsan doontan mar aad uga baahi badan tihiin, anaguna ilaahay dartii ayan idin jecelnahay idinka iyo culamadeena khayr ka badan.

  14. A/W/W
    ilaahay sharaftiina iyo cirdigiina ha ilaaliyo,sida aad culimada wanaaga utaagan udifaacaysaan.miisaanka xasanaadka ilaah ha idiinsaaro,idinkoo kalena ilaah habadiyo.waxaan xasuustaa mid hada kahor aad soodeeyseen oo lamid ahayd tan oo kale,laguna sameeyay sh.shibile xafidahulaah

  15. Salaamulaahi calaykum
    aad baan idiin salaamayaa walaalaha halgan.net sidaad u difaacaysaan Cullimadda muslimiinta ama Awliyadda ilaahay oo aan filayo inuu sh.C/qadir nuur farax kamid yahay waayo ilaa maalintuu dab kabaydhay wuxuu kashaqaynayay diinta islaamka faafinteeda kuwa hadda farta kufiiqayana waxaan leeyahay fartaad ku fiqaysaan iyo tuhunka baadilka ah ee aad kusheegaysaan inuu reer lasafan yahay ama tuhun qabyaaladeed aad kudaninaysaan,waxaad fiiqaysaan far qura laakiin idinka afarbaa xagiina kusoo maqan,marka intaan qabriga laydin geyn fadlan ilaahay utoobadkeena,cullimaddana faraha kaqaada faraha.
    wasalaamu calaykum

  16. Jazakumulah, walaalaha halgan Miisaanka xasanaadka Allaha idiin saaro difaaca culimida diintaan kusoo cirowday, waxaan ku oranlahaa kuwaas muflisiinta ah,waxba hays kalifina oo hadba been hanoo soo jarjarina,(Copy-Paste), waa la soo qaban beentiina, oo beentu cago ma leh.waxaadna ogaataan inuu jiro Maalin uu Allah SW ku yiri kitaabkiisa:
    “WAQAD KHAABA MAN XAMALA DULMAN”.waxaa hoogay oo khasaaray qofkii maalintaas dulmi la yimaada.

  17. Asalamu Calaykum, illaahay ha nasugo, hana naga dhigo kuwo illaahay la kulma ayagoo aan xambaarsanayn dulmi, walibana mid Culimmada laga galay. Ilaahay wuxuu ku leeyahay qur’aankiisa.

    وقوله ( وعنت الوجوه للحي القيوم وقد خاب من حمل ظلما) أي : يوم القيامة ، فإن الله سيؤدي كل حق إلى صاحبه ، حتى يقتص للشاة الجماء من الشاة القرناء .

    وفي الحديث : ” يقول الله تعالى : وعزتي وجلالي ، لا يجاوزني اليوم ظلم ظالم ” .

    وفي الصحيح : ” إياكم والظلم; فإن الظلم ظلمات يوم القيامة ”
    Ilaahay wuxuu leeyahay “Sida uu yiri ibna cabaas, Makhluuqii waxay isu duleeyeen, u hogaansameen, isu dabciyeen allahii jabaarka ah ee abuubay, “Wajiyadii waxay isu dhiibeen allahii Noolaa ee aan seexan (una qumayey makhluuqaadkiisa oo dhan isagana ay faqiir uwada yihiin), Xaqiiqee waxaa hoogay ( aakhiro ) qofkii dulmi xambaarasada” ayaadan iyo kuwa ka horeeya waxay ka hadlayaan aakhiro iyo sida howshu u culustahay Makhluuq dhamaantiisna ay illaahay hortiis masaakiin ku yihiin, cidwalbana ay ka walwalayso, waxa ay noqondoonto natiijada arimaha hortiisa kamuuqda.

    Ilaahay wuxuu u kala gudi doonaa cidkastoo wax kala qabta ilaa “Ridii geeska aan lahayn, gees looyeelo oo ay ka aarsato midii geeska lahayd xaqeedii” sida Nabigu noo sheegay scw. Hadiis kale illaahay ayaa dhaaranaya maalintaas dhibta badan “Cizadayda iyo Waynidayda ayaan ku dhaartay, maanta ima dhaafi doono mid dulmiile dulmigiis” Macnaha mid dulmi soo gaylay oo xambaarsan dulmi, maanta ilaa aan ka gooyo ima dhaafayo. Hadiis kale oo saxiix ah: “Waxaan u kala digayaa idinka iyo Dulmiga, Dulmigu waa Mugdiyaal maalinta Qiyaamaha” Macnaha xadiiska waa war ka dheeraada idinkoo mugdi xambaarsan inaad aakhiro timaadaan, maa yeelay Dulimigu wuxuu kugu noqonayaa Mugdi maalinta iftiin loo baahan yahay.

    Dulmiga waxaa lagu idlaaqaa Shirkiga sida badan, waxaase culimmadu ku fasiraan, danbi kasta ama caasin kasta oo ilaahay la caasiyo, sida uu Sh. Shanqiidi Ad-waa’ul bayaanka ku sheegay. Macnaha Dulmigana waa inoo markale insha allaah.

  18. waxaan leeyahay alle ha soo hanuunsho dhallinta caadatystay wax ka sheega culimada iyo Diinta

  19. Salaamu Calaykum

    Alahu akbar Mashalaah ilaahay ha xifdiyo Sh C/naasir iyo Sh C/qaadir kuwa xasdayana caraooda ha u dhintaan been kama xishoodaan war alle ka baqa oo beenabuurka iska daaya alaha idin soo qabaye .Acuuudu bilaaaaah

  20. Waxaan iswaydiiyaa faasiqnimadooda waxay gaarsiisay meesha uu nabigu SCW uu leeyahay hadaadan xiishoonayn waxaad rabtid samee. been abuurku meel kuma gaarsiinayo aakhiro iyo aduun toona. Beentu lug bay la’dahay bay soo maalidu ku maahmaahdaa!

  21. Jazaakumullaahu khayran Hawl wadeenada Halgan umaddoo dhan ayaa idiin ducaysay meelkastay joogto

    dubbe weyn ayaad ku garaacaysaane la dhaca intay ka dhammaanayaan oo beentooda la waynayo

    Diinta iyo dadnimadaba allaha idiin ilaaliyo

  22. Bismillah.
    Assalamu calaykum wr. jazakumullahu khair bahda halgan.net dadaalka iyo difaaca diinta aad wadaan . arintan ma dib bey usoo laabatey ?? waxaan ogaa inaaad hada ka hor soo geliseen iyadoo maqalah iyo waliba qoraal uu qorey sheikh abdiqani qardhaawi. qofka xorta in la tilmaamo kaliya ayaa ku filan laakiin mareegooyinkaas shaqada ka dhigtey arimahaan in ummada loo cadeeyo magayadooda iyo waliba raga hor booda ka fursan meeso waa hadiii howlahaan ay wadaan aysan ka waantoobin. shukran.

  23. Halgan.net Guuleysta soo qabta tuuugada diinta ku qaraabata oo ay dilootay qabiilka iyo neceybka Sheekhna Sh C/qaadir Nuur faarax alaha xifdiyo iyo dhamaan culumada Soomaaliyeed

  24. Salaamu Calaykuuum

    waxaa aad ula yaabay kuwan culumada beenta ka qoroya miyaan la xisaabineyn oo aakhiradooda aysan u baqayn subxaanalaah.

  25. Mashalaaha ilaahay khayr ha idin siiyo Halgan.net howsha aad heysaan waxaan idinkula talin lahaa in kuwa shaqada ka dhigtay culumada iidan wakhti ku lumin howsha aad umada u heysaan baa ka weyn

    salaamu calaykum

  26. Jazaakumullahu khayran halgan. Ilaahay ha idin sharfo. Kuwaas ibtileysanna ilaahay ha ceebeeyo.

  27. ASallaamu Calaykum

    Waxaan ula shedaa walalha ku hawlan in ay difacana diinta islaamka iyo culimada ehelka u ah marka hore allaah ha idin xifdiyo hana idin wada barkeyeeyo.

    Nin doqon ah ayaa reero ka dhumkay markii le halay ayuu dadkii ku yiri maxaad iga soo hesheen beraan dhumin.

    Waxaan ula jedaa maahmaahdaan dadkaan cadad ka dhigtay afla gadad culimada ma qabo in waqti lagu bixiyo waayo waxii ka weynaa oo ahaa dhigii islaamka ayey baneesteen qof dhiig islaam ku dhiiradayna ma qabo in Culimo daynaayo cadlina wax ku xukumaayo hadaba ma rabo walaalha in aan hadlka idiku badiyo dadka webkaas qoraa waad la socotaan xaaladooda nin ugu weyn oo la baxay gobislaan umaduna u taqaan geeri dimeed maanta isgaa ku sugan xaalad adag kuwa wax ku qoraana waa dad qurbah jooga oo aan in badan la kulanka ale hilmaamay hadayna wax qaadanayaan meshooda ayaan ugu tagnay oo qoraal wax ugu sheegnay, waana dad qafil qalbiga kaga xiran yahay ee watiga inooga dhaqaaleeya Sheikh Allaah ha xifdiyo wajibaad diini ah ayuu gudanayaa ee muxadaraad iyo duruusta cusub Sheikha ha laga duubo hadaad waqti haysaan. labadaan beri dastuurayey ku washeen cid ay u shrxayaana ma jiro dastuurka Ale wan kii goboladaas ka jiray kana jiri dona insha allaah ee Umda khalkhalkooda ayaan dhegloo dhigin. ilaa akhiro ha degina ayaa lagu akhriyey umadii ay gobolada la wadgena raaxo waa u dideen Allaah ayaa mahad iska leh sheikh Cabdulqaadir igala dhiga degaan walaalha an la degaanka ahayna waan uga tacsiyeeyn tacdiyaadka ay qabaan sheikhuna hada ka hor waa uu u tegay balse canaasir ayaa ku kacday, waxaan duco ahayn idiinma awoodno.

    Walaha fadlan kuwaan yaan waqti lagu bixin fadlan intaa an wax soo qoraayo waan ka ciil qabaa waayo uma qalmaan

  28. insha allah waan sugaynaa ilahayna ha ixafido if iyo aahkiraba

Leave a comment

*