Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo gaaray Magaalada Nairobo ee caasimada dalka Kenya

April 15, 2012 - Written by

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliya kuna nool magaalada Garoowe ayaa waxaa uu safar ku gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya , Shiikh Cabdulqaadir Nuur ayaa intii uusan ka tegin deegaanada Puntlland waxaa uu isaga iyo culimo kale ay safar dacwo ku gaareen degaano ka tirsan Gobolka Mudug , Nugaal iyo Gobolka Bari.

Allaha dhowree Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa towjiihaad iyo muxaadaraad u jeediyey ardayda  dhigta Dugsiga Sare eé Cumar Samatar ee ku yaal magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Fadiilatu Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku waaniyey ardayda in ay ka faa’iidaystaan waqtigooda ayna bartaan diinta Islaamka kana fogaadaann wax kasta oo khilaafsan sunadii Nebigeena Maxamed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee , Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa dhalinyarada uga digay in ay ku mashquul aan xumaanta iyo macaasi’da wuxuuna aad ugu tirtirsiiyey barashada diinta Islaamka.

Sh.Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa safarkiisa Dacwo ku weheliyey Sheekh Axmed Cabdisamad iyo Sh.Cabdi Qani Qorane, culimada ayaa intii ay ku sugnaayeen  magaalada Gaalkacyo waxaa ay muxaadaraad iyo towjiihaad ay ka jeedi yeen Masjidka Ramadaan, Masjidka Nuuru-Yaqiin, Masjidka Salaaxu-Diin & Masjidka Abu-Hureyra, waxaa ayna sidoo kale booqdeen Dugsiyada maadiga iyo kuwa diiniga ah.

Culimada iyo ducaada ayaa waxaa kale oo ay safar dacwo ku soo mareen degmooyinka Burtinle iyo Goldogob oo ka mid ah goballada Mudug iyo Nugaal, waxa ayna la kulmeen dhalinyarada, waxgaradka iyo ducaada oo ay ula kulmeen qaabab kala gedisan, iyagoo sidoo kale si toos ah uga hadlay masaajidyada, waxa ayna ka hadleen dacwada iyo sida ay muhiim u tahay in la dardar geliyo.

Culimada ayaa waxaa kale oo safar dacwo ay ku gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari  , culimada ayaa waxaa ay maalmihii la soo dhaafay ay wadeen muxaadaraad iyo towjiihaad loo jeedinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degaanada Puntlland si looga wacyi galiyo xumaanta iyo akhlaaqda xun ee khilaafsan Islaamka.

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa maalmo ka hor safar ku gaaray Sh.CabdiNaasir Xaaji Axmed oo  ka mid ah culimada dalka Soomaaliya ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool , Sheekh Cabdinaasir ayaa  waxaa uu muxaadaro qiimo gal ah ka jeediyey Masjidka Abu Bakar Al-Sidiiq waxaana Sheekhu uu muxaadaradiisa uga hadlay manhajka Ahlu Suna ee Taskiyada Nafta.

Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online