Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo gaaray Magaalada Nairobo ee caasimada dalka Kenya

April 15, 2012 - Written by

Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo ka mid ah culimada dalka Soomaaliya kuna nool magaalada Garoowe ayaa waxaa uu safar ku gaaray magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya , Shiikh Cabdulqaadir Nuur ayaa intii uusan ka tegin deegaanada Puntlland waxaa uu isaga iyo culimo kale ay safar dacwo ku gaareen degaano ka tirsan Gobolka Mudug , Nugaal iyo Gobolka Bari.

Allaha dhowree Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa towjiihaad iyo muxaadaraad u jeediyey ardayda  dhigta Dugsiga Sare eé Cumar Samatar ee ku yaal magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Fadiilatu Sheekh Cabdulqaadir Nuur Faarax ayaa ku waaniyey ardayda in ay ka faa’iidaystaan waqtigooda ayna bartaan diinta Islaamka kana fogaadaann wax kasta oo khilaafsan sunadii Nebigeena Maxamed Naxariis iyo Nabad gelyo korkiisa ha ahaatee , Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa dhalinyarada uga digay in ay ku mashquul aan xumaanta iyo macaasi’da wuxuuna aad ugu tirtirsiiyey barashada diinta Islaamka.

Sh.Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa safarkiisa Dacwo ku weheliyey Sheekh Axmed Cabdisamad iyo Sh.Cabdi Qani Qorane, culimada ayaa intii ay ku sugnaayeen  magaalada Gaalkacyo waxaa ay muxaadaraad iyo towjiihaad ay ka jeedi yeen Masjidka Ramadaan, Masjidka Nuuru-Yaqiin, Masjidka Salaaxu-Diin & Masjidka Abu-Hureyra, waxaa ayna sidoo kale booqdeen Dugsiyada maadiga iyo kuwa diiniga ah.

Culimada iyo ducaada ayaa waxaa kale oo ay safar dacwo ku soo mareen degmooyinka Burtinle iyo Goldogob oo ka mid ah goballada Mudug iyo Nugaal, waxa ayna la kulmeen dhalinyarada, waxgaradka iyo ducaada oo ay ula kulmeen qaabab kala gedisan, iyagoo sidoo kale si toos ah uga hadlay masaajidyada, waxa ayna ka hadleen dacwada iyo sida ay muhiim u tahay in la dardar geliyo.

Culimada ayaa waxaa kale oo safar dacwo ay ku gaaray magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari  , culimada ayaa waxaa ay maalmihii la soo dhaafay ay wadeen muxaadaraad iyo towjiihaad loo jeedinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku nool degaanada Puntlland si looga wacyi galiyo xumaanta iyo akhlaaqda xun ee khilaafsan Islaamka.

Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa waxaa maalmo ka hor safar ku gaaray Sh.CabdiNaasir Xaaji Axmed oo  ka mid ah culimada dalka Soomaaliya ku nool magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool , Sheekh Cabdinaasir ayaa  waxaa uu muxaadaro qiimo gal ah ka jeediyey Masjidka Abu Bakar Al-Sidiiq waxaana Sheekhu uu muxaadaradiisa uga hadlay manhajka Ahlu Suna ee Taskiyada Nafta.

Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. Al-shaykh al waalid , sheekh cabduqadir nuur farax. Ilahayow ku barakee oo cimrigaga daaco ka ku dheereyo. Waxan xasuusta duruustii iyo muxadarooyinkisii qiimiga badnaa ee masjidu Ramadan ka jeedin jiray .

  2. Maashaa Allaah Ilaahay dartiis ayaanu u jecelnahay Fadiilatu sheykh al-waalid Sh.Cabdulqaadir Nuur Faarax, Ilaahay ha xifdiyo isaga ehelkiisa iyo culumadeena kale ee tirada badan, cilmigoodana hanagu anfaco,Allaahuma aamiin.

  3. alcalaamah al’waalid shiikh c/dulqaadir nuur faarax alaah haxafido.
    waa shikh rabaani ah oo u hibeeyey cimrigiisa ugaar gaarida diinta alle
    alaahu akbar culimada laah ha noo xifdiyo dhamaanteed

  4. ilaahay ha inoo barakeeyo culumadeena soomaali hadii aan nahayna ixtiraamka culumada waa nalooga fiicanyahay marka culumada aynu ixtiraamnu sheekhana aniga ma aqaano laakiin magaciisa ayaan in badan maqlaa reer kenya ayaan ahay hadana wadanka waan kamaqanahay wax barasha ayaan ku maqanahay iima suurta galeyso in aan arko ayaan filayaa lakiin ilaahay hadii uusan aduunka nagu kulmin in uu janada nagu kulmiyo ayaan rajeynayaa wcww

  5. Maash Allaah : Alloow Xifdi Fadiilat Al Waalid Sheekh Cadbi Qadir Nuur Faarx iyo walaalaha kale dhammaantood

  6. Shiikh C/qadir Allah ha xifdiyo waa Aabe waalid ah oo umadu usoo hirato. Ilaahow noo xifdi.

  7. maasha alah sh. cabdulqaadir alaha
    xafido

  8. mashaa allah mashaa allah ilahoow noo xifdi sheekheena soomaliyeed cimrigiisana noo dheeree camalna kudheere e mida kale webka Halgan.net ajarka way heli doona inshaa allaah walaalaha ka shaqeeyo walaalaha waan u duceyaa mar walba.

Leave a comment

*