Afhayeenka Al-Shabaab oo ka hadlay Qaraxii lagu khaarajin lahaa Ra’iisul wasaaraha DFKM

April 5, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage ayaa waxaa uu sheegay in ururkiisu ay ka danbeeyeen qaraxii shalay ruxay Tiyaatarka xili ay ka socotay munaasabada lagu weynaynayey sanad guurada 28aad ee Asaaskii TV-ga qaranka Soomaaliyeed .

Afhayeenka Al-shabaab oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in ay tahay been abuur in gabar ay fulisay qaraxii ka dhacay Tiyaatarka balse ay kooxda u qaabilsan qaraxyada ururka Al-shabaab ay miinada ku sii diyaariyeen goobta ka dibna ay fuliyeen.

Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Dheere ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in Madaxda DFKM ay marin habaabiyaan cida qarxisay ama dishay oo ah Al-shabaab oo ay dusha u saaraan gabar Soomaaliyeed si buu yiri gabdhaha muslimaadka loogu dhibaateeyo xijaabkooda waan arrin fool xun.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in alle uu uga mahad celinayo guusha uu alle siiyo isagoo sheegay in ay qaraxii shalay ay ku laayeen saraakiil badan oo ka tirsan DFKM iyo ciidanka AMISOM wuxuuna  aad uga mahad celiyey dadka shacabka ah sida ay uga fogaadeen meelaha iyo goobah ay joogaan masuuliyiinta DFKM isagoo baaq u diray shacabka uguna baaqay in ay ka fogaadaan goobaha ay iskugu yimaadaan Madaxda DFKM sababta oo ah buu yiri waa hadafkeena aan la beegsanayno qaraxyada.

Qaraxii shalay ka dhacay Tiyaatarka ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa 10-ruux , waxaan ku dhaawaca may in ka badan 40-ruux oo ay ka mid yihiin masuuliyiin ka tirsan DFKM.

A/cawaale
Halgan.net

7 Comments so far

Leave a comment

  1. ASCaleykum waxaan walaalaha kula talin lahaa qofku haduu Sheekh yahay waa sax in loogu yeero Sheekh laakiin danbigiisa illaah SWT ayaa ku leh marka arinta sidaas u fahma laakiin xanaaq,nacayb IWM yuusan idin qaadin, arintaasna wax aay u taal wadaadada cilmigeeda leh marka iska jira fudaydka scaleykum.

  2. a/c walalayal waad ku mahadsan tihiin bal tixgaliya arigtada dadka waliana u bandhiga culamada in magacaas sharafta badan ee xaqa & baadilka kala saara eex la aan dadkuna ay ku soo xukun tagaan la siin karo sida ay sheegeen walaalahay iga horeeyay qof dilaa ah ar xan laawe ah wixii gaalada ay ka tacsiyadenayan ku farxayo arintaas dib u eegin ku sameeyay hadii kii dadka laayo aad dhahdaan sheekh kan umada bad baadinayana aad dhahdaan shee
    kh ma siman yiih waa iga su aal ?

  3. Asalaamu calaykum, waa ku raacsanahay walaalaha in aan title kaas sheekhnimada aan la siin qof banaysanaya dhiig Islaam. Waxaan la yaabay gabadha xijaaban hadaysan qarax fulin oo ayada meesha lagu dilay soo ayagu noqon mayaan dadka xurmada iyo sharafka Islaamka meel uga dhacay. Runtii Nimankaan meel aanan garanayn ayaa looga yeerayaaye reer Halganow Ilaahay ka cabsada oo ha siinina magaca sharafta badan ee sheekh, waayo sheekh waa kan dhiiga Islaamku uu xurmo agtiisa ka leeyahay, kalana miisaama cida la takfiirin karo iyo cida aan la takfiirin karin aqoontiisa Ilaahay siiyay awgeed.

  4. Sax khalid waan kugu raacsanahay figradaa oo Halgan waa in aysan karaameyn dadka aan u qalmin xushamada iyo karaamada nin ku fanaaya anaa umada islaam ah gumaaday ayaa sheikh la oran walaalha allaahka cabsada oo diintiina ha dhaawicinina.

  5. salaamu calaykum

    Al-Shabaab alaha wada ku soo cesho meel xun bay ku socdaan dadkii shacabka ahaa bay dilayaan oo u dilayaan hal nin oo xitaa gaalnimadiisa cid ku raacsan aan jirin oo culuma ah waa yaab!

  6. masoo gaadhey gaban aabihiis gaal ku odhanaaya

    1.masoo gaadhey wiil gabana oo caalim garab taagan
    2.masoo gaadhey gado yaab leh iyo culimo gaaleynta
    3.masoo gaadhey shiikh gafuurka xidhoo aan la garaneynin
    4.masoo gaadhey godane iyo mansuur oo is wada gaadi
    5.masoo gaadhey al-qaacida oo goysa taladeena
    6.masoo gaadhey gurboodkiyo ardada gumacyo loo dhiibo
    7.masoo gaadhey guri nabada oo qarax la gaadhsiiyo

    8. masoo gaadhey garaadlaawe wada gaadhi miineysan
    9. masoo gaadhey dad aan waxba galabsanoo lagu gumaadaayo
    10.masoo gadhey gurigii ilaah oo la gabawerayo
    11.masoo gaadhey madax gorofsan iyo dhiigga gobo,leyn
    12.masoo gaadhey gowraca dadkiyo qoor la kala gooyo
    13.masoo gaadhey gaajo nimey dishoo baangad lagu gujeynaayo
    14.masoo gaadhey odey soo gotoo ilmada gabax ka siinaaya
    15.masoo gaadhey gaban aabihii gaal ku odhanaaya
    16.masoo gaadhey qubuuraha gar-weyn lagu garaacaayo
    17.masoo gaadhey gaangester jihaad inaku guubaabin
    18.masoo gaadhey rakaabkaa bombada lagu gig siinaayo
    19.masoo gaadhey geeska afrikoo yurub u goodinaya
    20.masoo gaadhey calankan ayan sudhi moosko gudaheeda
    Qalinkii:ahmed A.Takar
    takar77@hotmail.co

  7. halgan.net fadlan ninkaan cali dheere ha ugu yeerina sheikh sabaabto ah waa ku xurmo beelaysan hadii aa karamadaas siisan ku gaabsada cali dheere ilaahayna oga cabsada hadalada xurmada leh cida ku haboon iyo cida kale waa bilahay towfiiq

Leave a comment

*