Sheekh C/qadir Nuur Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaafici oo gaaray dalka Zambia

April 18, 2012 - Written by

Lusaka:-Sheekh C/qadir Nuur Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaafici ayaa socdaal dacwadeed ku tagay magaalada Lusaka ee xarunta dalka Zambia waxaan halkaas ku soo dhaweeyey culumada iyo ducaada ku sugan magaalada Lusaka . Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaafici ayaa waxay kulamo la qaadan doonaan Jaaliyada Soomaaliy ee ku nool dalka Zambia gaar ahaan magaalada Lusaka waxaana laga yaabaa in ay u sii gudbaan magaalada Ndola .

Sheekh C/qaadir Nuur Faarax iyo Sheekh Maxamed Shaafici ayaa muxaadarooyin u jeedin doona galabta jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Lusaka .

Tawjiihaadla Culumada iyo Sawirada waan idiin soo gudbin doonaa Inshalaah marka ay na soo gaaraan.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. MANSHA,ALLAAH SH. C/QAADIR IYO SH. MAXED BA ALLAHA BARAKEEYO ALLOW SH. C/QAADIR NOO XIFDI WAA SHEEKH MUHIIM NOO AH HADAAN NAHAY UMADA SOMALIYEED MEEL KASTO AY JOOGANBA……….. WAXAAN IDINKA SUGNABA WAA MUXAADARADA HALGAN WAA WEB QAALI AH MAR KASTA ALLAHA IDINKA ABAAL MARIYO KHAYRKA SAAD NOOLA SOCODSIISAAN…….

  2. WALAALAYAAL HALGAN NET WAXAN KA CODSANAYNAA INAY SOO GELISO MUXAADARAATKII KA DHACAY NORWAY WAAYO MARBAAD SOOGELISEEN HADANA WAAD KA SAARTEEN YAGOO MAQAL AH HADAN WXN IDINKA CODSANAYNAA INAAD SOO GELISAAN WAADNA KU MAHADSANTIHIIN SIDA AAD DACWA U FAAFINAYSAAN

Leave a comment

*