Sheekh Maxamed Cumar Diriri iyo Sh Maxamed Idris oo socdaal dacwo ku yimid Denmark

April 19, 2012 - Written by

Denmark:-Sheekh Maxamed Cumar Diriri iyo Sh Maxamed Idris ayaa socdaal dacwo ku yimid dalka Denmark iyaga oo muxaadarooyin iyo dowro u qabtay jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Denmark taariikhdu markay ahayd 14kii illaa 15kii abriil, 2012 waxaa Masjidu-tawxiid ee magaalada Copenhagen lagu qabtay dawro kooban oo ay ka soo qaybgaleen culumada kala ah:

  1. 1-Sheekh Maxamed Cumar Dirir
  2. 2-Sheekh Maxamed Idris Axmed

Intay dawradaasi socotay waxay culumadu halkaas ka soo jeedinyeen muxaadarooyin kala duwan. Muxaadarooyinkaas ayaa loo kala qabtay dhammaan qaybaha bulshada soomaaliyeed ee magaalada Copenhagen iyo nawaaxigeeda.

Arrimaha culumadu kahadashay waxaa kamid ahaa:

  • Tusaalooyin guud oo kusaabsanaa gabdhihii Qur’aanka iyo Sunnada Nebigu (NNH) kahadleen.
  • Ilaalinta midnimada iyo utaagnaanta dacwada
  • Qur’aanka iyo weheshigiisa
  • Dhallinyarada iyo dardaaran lasiiyay

Waxaa xusid mudan in bulshada soomaaliyeed ee magaalada iyo nawaaxigeeda deganba ay aad ugasoo qaybgaleen muxaadarooyinka.

WT

Maamulka Xarunta Masjidka  ee Al-tawxiid

Copenhagen

1 Comment so far

Leave a comment

  1. culimda allah hanoo xifdiyo iyo muslimiinta kale ba ameen.

Leave a comment

*