Sheekh Umal oo khudbadiisi Jimacaha uga hadlay Ahmiyada toosnaanta Dhalinyarada(Dhageyso)

April 13, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah Culumada Soomaaliyeed ayaa maanta khudbadiisii Jimaca uga hadlay Ahmiyada toosnaanta dhalinyarada iyada oo diinta Islaamka ay ahmiyada gaar ah siisay Dhalinyarada Nabigeenii Maxamed nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaaatee  uu si weyn ula dardaarmay.

Dhalinyarada waa keydii umada sidaa awgeed ayaa diinta Islaamka waxay siisay Ahmiyada gaar ah iyada si gaar ah loo baahan yahay in la tawjiihiyo lana baro shareecada Islaamka .Alle Subxaanahu watacaalaa ayaa jano u balan qaaday qof dhalinyaro ah oo diintiisa ku barbaaray .

Umada marka la qiimeynayo ama la saadaalinayo waxaa la eegaa dhalinyaradeed hadii dhalinyaradeed ay wanaagsan yihiin umadaas waxay noqonaysaa umada badbaadaysa aduun iyo Aakhiro cadawgeedana ka adkaata ,hadii dhalinteeda ay ka leexdaan sharciga Rabina oo ay hawadooda raacaan iyo sheydaan umadaas waxay noqoneysaa mid halaagsanta.

Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa soo sardiyey adilooyin Kitaabka iyo Sunada taas oo tilmaameysa sida diinta Islaamka ay ahmiyada u siisay una tawjiihisay Dhalinyarada.

Hoos Ka Dhageyso Khudbadii Maanta ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal Xafidahulaah.
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/umal_13.mp3]

Ama Halkan
Halgan.net
Nairobi

9 Comments so far

Leave a comment

  1. Jasakalahu kheyr shikh Mohamed Umal ilahay ajar iyo xasanad aan laso gobi karin ilah haka siyo,,,

  2. Asalamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu, Jazaakalaah khayran yaa fadiilatu sheekhunaa maxamed abdi umal alaha ha ku xafido adiga iyo culumada soomaliyeed iyo caalamka intiisa kaleba, a fadiilatu sheekhunaa wacdiga nagu wad maruunbaa xaqa la fahmiye alaha subxaanuhu watacaalaa ha inaga dhigo kuwii ku waana qaato oona sameeya insh,aalh asalaamu calykum

  3. Sheekh Umal Allaha noo xifdiyo iyo Culimadeena kale ee ku caan baxday inay khayrka gaarsiiyaan Umada Cadowgoodana Allaha naga qabto Allaah waxaan ka baryaynaa inuusan Indhaha inaka ridin Culimadu waa Iftiinka kaliya ee inoo baxayee……………

  4. Asc khayr eebe hasiiyo sh,umal iyo inta umadda islamka ushaqaynaysaba sidda halgan.net Allah haidin barakeeyo

  5. jasakulaahu kayr ilaahay hakaa abaalmariyo sida aad ugahadasha dhalinyarada iyo doorkooda waana wax loobaahanyahay in laga hadlo.adookale alaha noo badiyo

  6. waxaa wanaagsan in nin walba meesha uu joogo is ogaado umaddana ay ku tixgaliso.dhalinta laga celinla,yahay culumadda.waxoogaa caribiga inta la soo bowsaday.waxaan u sheegaynaa diintu bowsi ma aha ee waa barasho
    dadka hadii aad ka kaxaysaan culumada ay wax ka qaadanayeen.waxaad doonteen in aad culumo iskaaga dhigtaan idinka oo kala garanaynin.naasikh iyo mansuukh,mudlaq iyo muqayad.kadibna aad ku wareerisaan nusuus aad idinka ku soo wareerteen.warnimanyahoow cilmi barasho ayuu ka tagi waayay ee wax ha la barto.xitaa ixtiraamka ayuu ku barayaa.

  7. Salaamu Calaykum

    ilaahay khayr ha siiyo Sh Umal iyo walaalaha Halgan.net waxaan alle uga baryayaa in alle uu xifdiyo dhamaantood aaaaaaaaaaamiin

  8. jazaaka alaah kayran waa noo naseexaysay ilaahay adoo kale hanoo badayo ilaahayna ha noo kaa xifdiyo adiga iyo culimada kale…….

  9. Jazaahulahu khayran shekh umal ilaah ha xifdiyo, waligisba waxaa lagu yaqaanay khayrka inuu umada la jecelyahay.

Leave a comment

*