Sheekh Xassan Daahir Aweys oo ka hadlay hub laga soo saaray guri ku yaal Siinka Dheer(Dhageyso))

April 21, 2012 - Written by

Afgooye:-Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha iyo culumada Ururka Al-shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hub laga soo saaray guri ku yaal Siinka Dheer ee Degmada Afgooye ka dib howlgalo ay sameeyeen ciidamada ka tirsan ururka Al-shabaab.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa tacliiq saaray khudbadii Jimacaha ee shalay taas oo uga hadlay laba arimood oo kala ah in xumaaanta la reebo wanaagana la is faro iyo hub ay ciidamada Al-Shabaab ka soo saareen guri ku yaal Siinka Dheer wuxuuna tilmaamay in hubka ay leeyihiid dad islaam ah cadowna uusan lahayn sabab loo qaatana aysan jirin.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa sheegay in uu yaqaan cida hubka iska leh waloow uusan carabaabin warbaahinta gudaha ayaa aad u hadal hayey hubka la helay iyo cida is ka leh hubka ayaa waxaa si rasmi ah ula wareegay Al-shabaab. Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa uu ka hadlay sidoo kale asbaabaha diinta iyo umada lagu ilaalin karo wuxuuna sheegay in ay tahay cilmiga Sharciga ah oo ay culumada xambaarsan tahay waxaa kale oo umada lagu ilaalin karaa buu yiri sheekhu farida wanaaga iyo reebi da xumaanta iyo Jihaadka gaalada looga cesho diinta Islaamka.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa waxaa kale uu ka digay dulmiga wuxuuna ugu baaqay shacabka in ay ka fogaadaan waxaa kale uu sheekha ku celceliyey in sida tawxiidka loo saxay la saxo mucaamalaadka umada lana ilaasho umada islaamka hantidooda iyo xuquuqdooda.

Sheekh Xassan Daahir Aweys ayaa sidoo kale sheegay in ay xaaraan tahay in la baneysto Dhiiga ,Sharafta,iyo Maalkiisa wuxuuna ku baaqay in la ilaaliyo rabina laga baqo.

Tacliiqa Khudbo jimacaha ee Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu ka jeediyey Masjidka al Nuureyn ee Ceelasha Biyaha hoos ka dhageyso

Tacliiqa Sheekh Xassan Daahir Aweys (Abu Maryama)

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/Daahir.mp3]

Ama Halkan

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

7 Comments so far

Leave a comment

  1. waa goorma inna daahir ways goorta uu lee yahay dadka dhiigsa hala ilaaliyo. asagaa bilaabay in culimada laga hor yimaado marka markii uu dhafoorada ka ciraystay baa kuwii uu tabo baray ay ku soo jeesteen. aniga hasan daahir ways waxaan iska tufay markii uu dhalinyaradii dagaal galiyey oo uu casmaro tabo bar u aaday. markii maantay arkay in xaalku uu is bedelay muxuu burcad isku marinayaa. haddii uu tan ka badbaado xagee buu ka soo bus kicin doonaa. Alle xaqa hana tuso.

  2. Ilaahayoow ummada Soomaaliyeed ee la dulmiyey ka qaad dulmiga. kuwa dhibka aan dhamaaneyn ku hayana meesheey ka yimaadeen ku celi.
    يا رحمن يا رحيم

  3. asc aniga runtii waxn ku talin laha in shiiq xassan uu cafis weydiisto shacabka somaliyed qasatan reer muqdisha.

  4. asc. sheekh hassan daahir hadda wuxuu dareemay jawi uu kuhadli karo
    waa na fursan runtii wanaagsan
    taladda aan hayo anigu waa ( in uu sheekhu garabsado raga isaga lafikirka ah si looga takhalusi karo kooxda Godane iyo afarta ajnabi ee la socda . )

  5. scw waa taa culamada xeeldheeri iyo iimaan suuban lagu yaqan waa hassan iyo culumada citisaam.waxaan jeclaan lahaa in ay culumada ay ka hadlaan Dastuurkaan ummada lagu qayaano aan shareeca alla lagu dabaqim inta ay goor goor tahay si dhibta soosocota looga bad baado Ilaah ha idiin xafido culumooyo,,,,,,,,

  6. culimada soomaaliyeed waxaan usoo jeedinayaa inay sh xasan daahir iyo dawlada u kala dabqaadaan oo shiikha laga saaro danbiilayaasha

  7. sheekha ilaahay sharwadayaasha ha ka ilaasho.

Leave a comment

*