Sheekh Yuusuf Aden oo darsigii 4aad ka jeediyay Nadwii 10aad ee ka soctay Boosaaso(Dhageyso)

April 22, 2012 - Written by

Boosaaso:-Nadwo cilmiyeedka Tobnaad ee ka sococtay Masjidka Al rowda ee Magaalada Boosaaso ayaa gashay Habeenkii 4aad oo xidhiidh ah waxaana darsiga caawa soo jeediyay Sheekh Yuususf Aadam Maxamed  wuxuuna ka halday Mowduuc ciwaankiisu ahaa ( Mashruuca Camalka wada jirka ah iyo Ahmiyadiisa  – مشروعية العمل الجماعي) Sheekhu Yuusuf Aadam waxa uu marka hore si guud uga hadlay Mowduuca iyo qeybaha uu ka koobnaan doono.

 

Sheekhu waxaa uu sheegay in ay lama maarmaan tahay wada jirka iyo wax wada qabsiga Umadda wuxuuna tilmaamay in wakhti xaadirkan ay lagama maarnaan tahay in wax wada qabsigu ay tahay mid wanaagsan loona baahan yahay , kadib intaa waxa uu Sheekhu ka hadlay muhiimada ay leedahay wada jirta Bulshada iyo is kaalmeyntooda wuxuuna hadalkaa u soo qaatay sida ay Diintu uga hadashay wada  jirka Umadda Nabiguna CSW uu arintaa u adkeeyay.

Sheekhu waxa uu xusay in wada jirka Umaddu ay tahay mid lagama maarmaan ah in Umada midowgoodu uu yahay mid faa’iido leh , wuxuuna halkaa ku tusaaleeyay in in badan la maqlo Midowga Dhakhaatiirka , Midowga Ardayda , Midowga Jaamacadaha ,ama kuwo halkudhigyadaa sita  wuxuuna Sheekhu carabka ku adkeeyay in loo bahan yahay arintaas oo kale in laga faa’iideysto Dacwada looga faa’iideysto.

Sheekha waxaa uu sidaa oo kale ka hadlay in Umadda laga doonayo in ay kheyrka isugu yeedho dhanka kalena ay iska horjoogsato xumaanta iyagoo arintaa uga faa’iideysanaya sida ay Diintu arintaa uga hadashay (و تعاونو على البر و التقوى ) Ayaadaana ay xambaarsan tahay micno weyn sidaa oo kale waxa uu Sheekhu soo qaatay Aayada qeybteeda dambe oo ah (ولاتعاونوعلى الأثم و العدوان ) arintaana ay soo galeyso qeybaha kala duwan ee arimaha Bulshada , dhanka Noloshada dhanka Siyaasada dhanka Caafimaadka ama dhanka Nasiixeynta iyo baraarujinta Aayaadkana waxa laga faa’iideysanayo ay tahay in xumaanta la iska celiyo wanaaagana la isku kaalmeysto.

Sheekhu waxaa uu sidaa oo kale soo qaatay Axaadiis ka sugnaatay Nabiga CSW oo ka hadlaya wada jirka Bulshada ama Jamaacada Umadda , waxa uu Sheekh Yuusuf Aadam Maxamed xusay in in Nabigu CSW uu ku dardaarmay in Umaddu wada jirto. Shekhu waxa uu waajib ku tilmaamay in ay tahay wada jirka Umadda , wuxuuna dhan kale soo qaaday Aayado laga fahmayo sida ay lagama maar arintaa u tahay, sidoo oo kale waxa uu soo qaaday Axaadiis arintaa laga fahmayo, waxa uu  Sheekhu ka gadaal intaa u galay hadaladii ay Culimadii Salafku ka yidhaahdeen arintaa.

Sheekhu waxaa uu intaa ka dib u galay waxyaabaha umada kala geynaya ama kala fogeyn kara waxaybaaha aritnaa keeni karaana ay Diinta Islaamku ka digtay arintaana ay ka dhalaneyso in Ummadu ay noqoto mid is khilaafta awoodeedina ay lunto sidaa oo kalena ay cadowgeeda noqoto mid u nuglaata.

Sheekhu waxa uu xusay in Culimadii salafku aysan ku ekaan jirin oo kaliya wax u sheegidda dadka si gaar gaar ah balse ay bulshada wax ugu sheegi jireen si wada jir ah, waxa uu xusay in Culimadii dambe ay arintaa si weyn uga hadleen waxaa la doonayaana ay tahay in si wada jir ah Bulshada waxaa loogu sheego mar kastana la baraarujiyo arimahooda Diintana loogu bayaamiyo.

Sheekhu waxa uu dhanka kale Sheegay in laga haboon yahay in dadka Hogaanka u ah bulshadu ay noqdaan kuwo bulshada ka dhex maqan ama aan warkooda heyn ay ka dhalaneyso mas’uuliyadiisa oo gaabis ku yimaado. Intaa kadib Sheekhu u soo galay ka hadlidda heerarka xumaan reebida , waxaanu Sheekhu xusay in xumaan rebidu ay leedahay dhowr arimood oo ay ka mid tahay in qofku xumaanta oo gacan ku celiyo ama uu hadal ku celiyo tan ugu hooseysaana ay tahay in uu qabliga ka noco ama ka fogaado halka xumaanta lagu hayo si uusan u noqon mid ay caadi agtisa ka noqoto.

Sheekhu waxa uu gabgabadii ku soo aruuriyay Mowduuca oo uu dulmar guud ku sameeyay waxa uu dhanka kale soo hadal qaaday in mar walbaa ay haboon tahay in laga shaqeeyo wanaaga umadda .Sheekh Yuusuf Aadam Maxamed waxa uu darisiga ku soo gunaanaday Duco uu Umadda u jeediyay wuxuuna Alle uga baryay in uu ka dulqaado dhibaatooyinka dambada dheeraaday ee heysta Bulshada ee dabada dheeraaday.

Kadib darsiga Shekhu Yuusuf Aadam Maxamed waxaa kalmad yar oo tacliiq ah raaciyay Sheekh Dr Bashiir Axmed Salaad Sheekhu waxa uu ugu horeyn sheegay in diinta oo qofka ka qaloocata ay dhibaato aduuniyo mid aakhiro u keento ,waxa uu Sheekhu dhinaca kale tilmaamay in jamaacada lafteedu ay tahay midda kaliya ee badbaadin karta Bulshada aysana macquul ahayn in qofku uu yahay mid kaligii saxan dadka kalena ay yihiin kuwo khaldan .

Sheekh Bashiir Axmed  Salaad waxa uu sheegay in koox ku nasab sheegashada ama ka mid noqoshada koox ay tahay mid dhabaatadeeda leh ,wuxuuna dhinaca kale tilmaamay in wanaagu uusan guuleysan Karin ilaa iyo inta uu ka nidaam iyo hormar badnaanayo waxa  ka soo horjeeda .Sheekh Bashiir Axmed Salaad waxa uu tilmaamay in mar walba waxa la doonayaa ay tahay in dadka wadada toosan lagu hago.

Guud ahaan nadwada ayaa caawa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay , waxaana lagu soo gab gabeeyay hadalo yar yar oo ay soo jeediyeen gaar  ka mid ah Culimada iyo dad bulshada magac ku dhex leh,waxana kalmada koowaad soo jeediyay Sheekh Dr Saadaq Eenow, waxaana kalmada labaad soo jediyay Sheekh Axmed Dahir ,Sheekh Xasan Xuseen.

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shyusuf.mp3]

Ama Halkan

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online