Shirweynihii Ansixinta Dastuurka Puntland Oo Garoowe maanta ka furmay

April 15, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa maanta ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland shirweyne taas oo lagu ansaxinayo Dastuurka Maamulka Puntland waxaana kulanka ka soo qeyb galay madax badan oo ay ku jiraan mas’uuliyiinta ugu sareeya dowladda Puntland .Shirka ayaa waxaa uu ka furmay xarunta cusub ee baarlamaanka Puntland waxaana xariga ka jaray madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole.

Shirweynaha Ansixinta Dastuurka Puntland ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa  madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen Cabdisamed Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,Isimo, madax ka socotey hay’adaha caalamiga ah marti kale kuwaas oo ay ka mid yihiin wufuud ka socotay Midowga Afrika iyo dowlada Itoobiya.

Ugu horeyntii ayaa shirka ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka Puntland Prof .Maxamed Xasan Barre isaga oo ka warbixiyey qaabka loo soo xulay ergooyinka ansaxin doonta dastuurka Puntland wuxuuna mahad balaaran u soo jeediyey isimada iyo waxgaradka Puntland oo qeyb weyn ka qaatay shirkan.

Waxaa kale oo goobta ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi waxaana uu ka waramay heerarka uu soo maray dastuurka Puntland isagoo sheegay in ergooyinka loo soo xulay si la mid ah ergooyinkiii dhidibada u taagay Maamulka Puntland 1998.

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey intaas ka dib wuxuuna ku dheeraaday muhimada ay leedahay in Puntland ay yeelato dastuur u gaar ah iyo in laga baxo nidaamka qabaliga ah loona gudbo mid axzaab badan.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay qaar ka mid ah Isimada Puntland iyaga oo sheegay in ay ku qanacsan yihiin qaabka loo soo xulay ergooyinka ansaxin doona dustuurka Puntland iyaga oo ku booriyey ergooyinka in ay ka foojignaadaan in ay ansaxiyaan wax dhib u keenaya dadka iyo dalkaba.

Shirweynaha ansixinta Dastuurka Puntland oo ay ka qayb gelayaan ergooyin 480 xubnood kuwaas oo laga soo xulay bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo ka yimid gobalada Puntland kulankooda wuxuu socon doonaa ilaa 18 bishan.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online