Taliye cusub ee ciidanka AMISOM oo maanta gaaray magaalda Muqdisho

April 24, 2012 - Written by

Muqdisho:-Taliyaha cusub oo dhawaan uu u magacaabay ciidanka AMISOM Madaxweynaha dalka Ugaandha Yuweri Musaveni ayaa maanta gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.Taliyaha cusub ee ciidanka AMISOM Gen. Andrew Guti ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ee magaalda Muqdisho ku soo dhaweeyey taliyihii hore ee ciidanka AMISOM Paddy Akunda , iyo saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM.

Taliyaha cusub ee Ciidanka AMISOM Andrew Guti ayaa la filayaa in mudo uu ku sugnaan doono magaalada Muqdisho isagoo ka dibna ka qayb geli doona shir ka dhici doona dalka Itoobiya. Dhinac kale Waxaa isla maanta gaaray deegaano ka tirsan Gobollada Jubooyinka Saraakiil ka tirsan ciidanka AMISOM waxaan ay kulamo gooni gooni ah la qaateen saraakiil ka tirsan ciidamo taageersan DFKM iyo ururka Raaskaambooni oo uu madaxda u yahay Axmed Madoobe.

Saraakiishaan ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa waxaa kale oo ay kulamo gaar ah la qaateen saraal ka tirsan ciidanka dalka Kenya oo iyagu hadda haysta degaano ka tirsan gobollada jubooyinka oo ay horay uga talin jireen ciidanka Al-shabaab oo iyago ka baxay degaanadaas. Saraakiisha hogaaminaysa ciidanka huwanta ah ee DFKM ,Raaskaambooni iyo ciidanka dalka Kenya ayaa waxaa ay kulankooda ay ku qorshaynayaa guluf colaadeed oo ay doonayaan in ay ku qabsadaan degaano hor leh oo ka tirsan Gobollada Jubooyinka iyo Gobolka Gedo.

Ciidanka ururka Al-shabaab ayaa baneeyey degaano dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Gedo iyo Gobolka Jubada Hoose iyagoo xusay in ay u jeedadu tahay in ay yareeyaan khasaaraha soo gaaray ciidankooda ayna bedeleen qorshahoodii dagaal si ay khasaaraha ugu badan ay u gaarsiyaan ciidanka dalka Kenya iyo Itoobiya oo gacan siinaya ciidamo Soomaali ah.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online