Warbixin Madrasada Al-khayraat ee ku taal magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose.(Video+Sawiro)
April 4, 2012 - Written byKismaayo:-Waa warbixin kooban oo ku saabsan Madrasada Al-khayraat ee ku taal Magaalada Kismaayo ee xarun ta Gobolka Jubada hoose Madrasada Al-khayraat ayaa waxaa dhigta arday fara badan waxaana la aas aasay sanadka markuu ahaa 2009-bishii 10, waxaana lagu aas aasay ila 2 qol oo ay dhiseen dad muxsiniin ah , waxaana lagu bilaabay arday dhan ilaa 25 ka dib dadaal dheer oo ay sameeyeen dad muxsiniin ah waxaa lagu siyaadiyey ila 2 qol oo kale iyo 2 hool oo weyn.
[nggallery id=120]
Ilaa intii ay furnayd Madrasada Al-khayraat waxaa ka qalin jabiyey ilaa 34 arday waxaan tiro ahaan Madrasada Al-khayraat dhigta ilaa hadda 385 arday oo iskugu jira wiilal iyo gabdho, dhinac macalimiinta wax ka dhiga ilaa 9 macalin ,Madrasada Al-khayraat ayaa waxa kale oo leedahay dhul banaan oo loo waqfay Madrasada laakiin u baahan in la dhiso howl wadeenada Madrasada Al-khayraat aysan u haynin wax tabar ah.
Hoos ka Daawo Video yar oo laga soo duubay ardayda dhigta Madrasada Al-khayraat ee magaalada Kismaayo
Qofkii doonaya in uu wax ku saacido Madrasada Al-khayraat fadlan la xiriir Maamulaha Madrasada Al-khayraat Macalim Cabdi raxmaan Cismaan Jaamac kala xidhiidha +252615916079.
Halgan.net
Kismaayo

.gif)

