Wasiirka amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan oo socdaal ku tagay Dhuudo iyo Bandar-beyla

April 7, 2012 - Written by

Qardho:-Wasiirka amniga Puntland G/sare Khaliif Ciise Mudan ayaa socdaal ku tagay maanta deegaanno dhaca xeebeedka fog ee gobolka Bari gaar ahaan Dhuudo iyo Bandar-beyla waxaana socdaalkiisa ku weheliya saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha gudaha iyo amniga Puntland .

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka amniga ayaa kulamo gooni gooni ah waxaa uu la yeeshay nabadoonada iyo waxgaradka Dhuudo iyo Bandar-beyla waxayna ka wada hadleen horumrinta deegaanda iyo sidii loo adkeyn lahaa wada shaqeynta dowlada iyo dadweynaha deegaanada xeebeedka fog ee gobolka Bari .

Wasiirka amniga Puntland G/sare Khaliif Ciise Mudan ayaa khudbad kooban ka jeedshay kulanka dhexmaray waxgaradka iyo odayaasha deegaanno Dhuudo iyo Bandar-beyla ee gobalka bari ayaa waxaa uu sheegay in ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan Booliska iyo daraawiishta la keeni doono Dhuudo iyo Bandar-beyla dib u habeyna lagu sameyn doono xarumaha Booliska.

Wasiirka amniga ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya taliyaha ciidanka Booliska ee Puntland Col.Maxamed Saciid Jaqanaf,taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Col.Muxuyadiin  iyo saraakiil kale.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online