Wasiirka dekedda iyo badda ee Puntland oo ka hadlay sii deynta Markabka MV Leila

April 13, 2012 - Written by

Boosaaso:-Wasiirka dekedda iyo badda ee maamulka Puntland Eng. Siciid Maxamed Raage ayaa maanta markii ugu horeysay ka warbixiyay siideynta markabka MV Leila oo labo bilood ka hor ay afduub u heysteen kooxo burcad badeed Soomaali ah waxayna ka afduubeen xeebaha dalka Cumaan.

Wasiirka dekedda iyo badda ee maamulka Puntland Eng. Siciid Maxamed  ayaa maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari wuxuuna sheegay in sii deynta Markabka MV Leila ay qeyb weyn ka qaateen maamulka Puntland , isimada iyo ganacsatada, iyo waxgarad kale wuxuuna sheegay in markabka maanta uu ka shiraacday Dekkada weyn ee magaalada Boosaaso uuna ku sii jeedo Berbara.

Qaar ka mid ah Isimada iyo Waxgaradka S/land ayaa soo gaaray magaalada Boosaaso si ay ugala hadlaan Maamulka iyo Isimada Puntland qaabkii loo sii deyn lahaa Markabka MV Leila oo u rarnaa ganacsato S/land.

Wasiirka dekedda iyo badda ee maamulka Puntland Eng. Siciid Maxamed  Raaage ayaan sheegin in wax madax furasho ah la siiyey iyo  in kale kooxihii Buracadbadeedka ahaa ee heystay Markabka MV Leila .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online