Wasiirka warfaafinta DFKM oo ka jawaabay eedeyn loo soo jeediyey wasaaradda warfaafinta

April 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya wasiirka warfaafinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed Jahweyn, Wasiirka warfaafinta ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu safar shaqo uu ku joogay dalka Jabuuti waxaan maanta uu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa maanta markii uu dib ugu laab tay magalada Muqdisho waxaa uu warfidiyeenada u sheegay in wasaaradiisu ay laamaha amaanka ee nabadsugida iyo kuwa Boolis ka ay gaarsiiyeen Xafladii ka dhacday Golaha Tiyaatarka.

Hadalka ka soo yeeray Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed  ayaa waxaa uu ka jawaabayey eedeyn wasaaradda warfaafinta uu u soo jeediyey Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed kuna eedeeyey in wasaaradda warfaafintu aysan xiriir iyo wargelin laamaha kale duwan ee nabadsugida inta aysan xaflad lagu qaban Golahii Tiyaatarka.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta boostada iyo isgaarsiinta DFKM C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa xusay in wasaarad diisu ay bil ka hor ay sameeyey gudi gaar ah oo soo qaban qaabiya xafladii ka dhacday Golaha Tiyaatarka ayna xiriir la sameeyeen laamaha amaanka ee DFKM balse ay hadda ka war dhowrayaan baaritaanka ay wadaan gudi wasiiro ah oo ka tirsan DFKM.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online