2 qof oo galabta lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari

May 10, 2012 - Written by

Bosaaso:-Allaha u naxariistee waxaa galabta lagu dilay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ,2 qof ee rayidka ah  oo auu rasaas ku furay nin hubeysan xili ay fadhiyeen Makhaayada laga shaaheeyo oo ku taal Xaafada New Boosaaso, 2-da qof ee la dilay ayaa waxaa ay ahaayeen ilmo adeer waxaan lagu kala magacaabi jiray Cali Diib Gurxan iyo Mijir Xasan Gurxan. Ninka dilka geystay ayaa markii hore waxaa uu toogtay Mijir Xasan Gurxan iyadoo ka dib marka falku uu dhacay ayaa waxaa ninkii wax dilay qabtay Cali Diib Gurxan ka dibna waxaa rasaas uu furay u dhintay Cali  Diib Gurxan ,Ciidanka Booliska Boosaaso ayaa goobta soo gaaray iyagoo bilaabay howl gal ay ku raadinayaan ninka dilka geystay oo la sheegay in ay la socdeen rag kale oo rasaas furay.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in labada nin ee la dilay uu mid ka mid ah ahaa sarkaal u shegeeya dowlada Hoose ee magaalada Boosaaso

Dilalka qorsheysan ee ka dhici jiray magaalada Boosaaso ayaa istaagay iyadoo taas loo aanaynayo howl galo iyo ciidamo fara badan oo ay maamulka Puntlland soo galiyeen gudaha magaalada Boosaaso.2-da nin ee  la dilay ayaa waxaa ay isku dhawaayeen Nabadoon Xuseen Gurxan iyo Duqii hore ee degaanka Galgala Cali Maxamed Gurxan oo sanadkii   2011-kii lagu dilay magaalada Boosaaso.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online