Ururka Al-shabaab oo soo bandhigay sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Burundi oo ay dileen(Masawiro)

May 14, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay  dileen saraalkii madaxada u ahaa ciidamada Burundi ee dagaalka ka waday degmada Dayniile, kaddib markii ay weerar qorsheysan ku qaadeen  Talaadadii lasoo dhaafay waxaana la soo dhigay sawirada iyo macluumadka sarkaalka ay sheegeen in ay dileen Ururka Al-Shabaab barta Twitter-ka ee ay leeyihiin Al-Shabaab.

Sarkaalkan ayaa waxaa magaciisa ay ku sheegeen Imannuel Bizimana waana sarkaalkii labaad oo ay Al-Shabaab ku disho dagaalada ka socda Soomaaliya waxayna horey u dishay  Juvenal Niyoyunguruza oo ahaa ku xigeenkii taliyaha ciidamada AMISOM ka dib markii gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay lagu qarxiyey xarunta Xalane.

Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi ayaa waxaa looga dilay dagaalo culus oo ka dhacay Degmada Dayniile ilaa 76askari waxaana looga dhaawacay ilaa 110 askari sida ay qirteen saraakiil sare oo ka tirsan dowlada Burundi.

no images were found

Ilaa haatan ma jiraan wax  hadal ah oo kasoo baxay dhinaca AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi kaas oo ku aadan Sarkaalka ay saaka soo bandhigeen Ururka Al-Shabaab.

Daawo

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online