Ceelka Shabeel1 ee Dooxada Dharoor oo shidaal laga hellay

May 14, 2012 - Written by

War-saxaafadeed uu soo saaray agaasimaha  shirkada lagu magacaabo Australian Securities Exchange Limited ayaa waxaa uu cadeeyey in uu ku faraxsan yahay in uu sheego in  shirkada Puntlland ka qodaysay shidaalka oo lagu magacaabo Range Resources  Limited ee  hadda gacanta ku haysa Ceelka Shabeel‐1  iyo shirkada wadaaga ah ee la yiraahdo Horn Petroleum Corp. (“Horn” – TSXV:HRN) ay cadeeyeen in ay gaareen  ilaa 150 m oo shidaal ah ( taas oo qiyaastii noqon karta 12‐20Milyan) iyadoo ay howl wadeena ku howlan qodista shidaalka ay sheegayaan in ay  la kulanmayaam shidaal iyagoo ilaa iyo hadda qoday dhumuc dherer le’eg 3,425 mitir .

Howl wadeenada Shirkadda Range Resources ayaa cadeeyey in mar walba oo ay qodistu sii fogaataba ay la kulamayaan shidaal  ilaa hadda ma jiro masuul ka tirsan maamulka Puntlland oo ka hadlay qoraalka maanta lagu soo daabacay  Websiteka Shirkadda Range Resources oo sheegay in Ceelka Shabeel‐1  laga hellay  Shidaal.

Hoos ka Akhriso Qoraalka lagu soo daabacay maanta website Shirkada Range Resources .

C/casiis Maxamed
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Waa ilaah mahadiisa haddii la helay shidaal, laakiin wadan aan ka jirin maamul wax kala hagaaya ,sidee buu noqonayaa shidaalka ka soo baxaya? Taas waxaan u dhaafayaa dadweynaha.

  2. masha alaah alow noobarakee oo noobadi aamiin waxaan jeclaanlaha inad noo faahfaahisaan in shidaalkii lagaaray iyo in macnahu yahay wali qodniinkii ayaa socda?

Leave a comment

*