Ciidamada Booliska dalka Kenya oo lagu qarxiyey Dhadhaab waqooyiga bari Kenya

May 15, 2012 - Written by

Nairobi:-Wararka naga soo gaaraya xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee waqooyiga bari ee Kenya ayaa sheegaya in qarax miino lagu weeraray ciidamo Boolis ah ee dalka Kenya kuwaas oo marayey Duleedka Degmada Dhadhaab waxaana qaraxa ku dhintay hal askari halka ay ku dhaawacmeen labo kale.

Taliyaha ciidanka  booliiska ee gobolka waqooyi-bari ee dalka Kenya, Leo Nyongesa.oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in miino kuwa dhulka lagu aaso lagu qarxiyey askar waardiye ka haysay gaari  ay lahaayeen hay’ad samafal oo ka howlgasha xerada Dhadhaab wuxuuna xaqiijiyey dhimashada hal askari iyo dhaawaca laba kale.

Xerada Qoxootiga ee Dhadhaab ayaa waxaa ku jira qoxooti Soomaaliyeed oo tiradooda lagu qiyaasay 450,000 kuwaas oo ka soo qaxay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Koonfurta dalka Soomaaliya.

Ilaa haatan ma jirto cid sheegatay qaraxa maanta duhurkii lagu weeraray ciidamada Booliska ee dalka Kenya kuwaas oo marayey duleedka xerada Dhadhaab ee waqooyiga bari ee Kenya.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online