Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Afgooye

May 25, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada  Afgooye ee ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada DFKM yo kuwa AMISOM oo wata taangiyo badan ay qabsadeen Degmada Afgooye waxaana isaga baxay ciidamada Urur ka Al-shabaab .

Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa gudaha u galay degmada Afgooye, ka dib markii dagaal kooban uu ka dhacay agagaarka Baar Ismaaciil, waxay ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ka soo galeen Degmada Afgooye laba jiho. Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa saldhigyo ka sameystay xarunta Maamulka Degmada Afgooye , Saldhiga Booliska iyo Labada Buunde ee degmada Afgooye waxay baara yaan dhamaad dadweynaha iyo gawaarida .

Afhayeenka ciidanka AMISOM Paddy Ankunda oo la hadlayIdaacada  BBC-da ayaa xaqiijiyay in Degmada Afgooye ay si buuxda ula wareegeen . Col. C/laahi Cali Caanood oo ka mid ah saraakiisha hogaaminayey Dagaalka ayaa sheegay  in ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ay maanta duhurkii la wareegeen Degmada Afgooye .

Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada DFKM Col. Caanood ayaa sheegay sidoo kale in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay ku siqayaan Degmada Balcad ee  gobolka Shabeelaha Dhexe isaga oo sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Masuuliinta Ururka Al-shabaab oo ka hadlay qabsashada Degmada Afgooye iyaga oo wararka la helayo ay sheegayaan in madaxdii iyo saraakiishii Al-Shabaab ay u jiheysteen Marka ,Wanlaweyn iyo Warmaxan iyaga oo isku qeybiyey kooxo yar yar oo qaadi doona dagaal dhuumaaleysi ah .

Cabdi Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online