Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM oo la wareegay Degmada Afgooye

May 25, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya Degmada  Afgooye ee ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamada DFKM yo kuwa AMISOM oo wata taangiyo badan ay qabsadeen Degmada Afgooye waxaana isaga baxay ciidamada Urur ka Al-shabaab .

Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa gudaha u galay degmada Afgooye, ka dib markii dagaal kooban uu ka dhacay agagaarka Baar Ismaaciil, waxay ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ka soo galeen Degmada Afgooye laba jiho. Ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa saldhigyo ka sameystay xarunta Maamulka Degmada Afgooye , Saldhiga Booliska iyo Labada Buunde ee degmada Afgooye waxay baara yaan dhamaad dadweynaha iyo gawaarida .

Afhayeenka ciidanka AMISOM Paddy Ankunda oo la hadlayIdaacada  BBC-da ayaa xaqiijiyay in Degmada Afgooye ay si buuxda ula wareegeen . Col. C/laahi Cali Caanood oo ka mid ah saraakiisha hogaaminayey Dagaalka ayaa sheegay  in ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ay maanta duhurkii la wareegeen Degmada Afgooye .

Taliyaha guutada koowaad ee ciidamada DFKM Col. Caanood ayaa sheegay sidoo kale in ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ay ku siqayaan Degmada Balcad ee  gobolka Shabeelaha Dhexe isaga oo sheegay in dagaalka uusan joogsan doonin.

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Masuuliinta Ururka Al-shabaab oo ka hadlay qabsashada Degmada Afgooye iyaga oo wararka la helayo ay sheegayaan in madaxdii iyo saraakiishii Al-Shabaab ay u jiheysteen Marka ,Wanlaweyn iyo Warmaxan iyaga oo isku qeybiyey kooxo yar yar oo qaadi doona dagaal dhuumaaleysi ah .

Cabdi Casiis Maxamed
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ACW,

    Degmada Afgoye waxaa ka soo jeeda dad diinta Islaamka jecel islamrkaasna ku dhaqma, waana kuwa nabada lagu yaqaano.
    Dadka u dhashey degmada Afgooye dhibaatooyin badan ayaa ka soo gaarey kuwa xukunka Soomaaliya isku heysta.

    Waxaan ilaahey uga baryeeynaa umdad nabad jecel ee ku nool deegaankaas inuu ka badbaadiyo kuwa isku heysta xukunka.

    Ilaahayow jidka saxda ah ina tus oo xaqana kuwii u gargaara inaga dhig.

Leave a comment

*