Ciidamada DFKM oo maanta howlgalo ka wada Suuqa Weyn ee Bakaaraha

May 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ciidamada DFKM oo ay la socdaan kuwa Nabadsugida ayaa saaka howlgalo balaaran ka wada gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha iyaga oo burburin ku wada sandaqado sharci daro uga dhisan wadaayinka ku yaala gudaha Suuqa Bakaaraha .

Howlagalada ayaa saaka waxaa lagu burburiyey Dhismayaal ay DFKM ku sheegtay kuwo sharci daro ah amnigana suuqana wax u dhimaya iyada oo suuqa Bakaaraha uusan lahayn meelaha qaarkood wadooyin waasic ah oo ay gawaarida iyo dadku maraan.

Intii ay wadeen ciidamada DFKM howlgalada lagu burburinayo dhismayaasha ka dhisan hareeraha wadooyinka ayaa waxaa lagu weeraray laba Bam oo kuwa gacanta laga tuuro ah waxaana ku dhintay hal askari iyo haweeney rayid ah ,qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay qeybta Dahabka lagu iibiyo.

Weerarka Bam ka dib ayaa ciidamada DFKM howlgalo ay sameeyeen waxay gacanta ku dhigeen dhowr qof oo looga shakisan yahay in ay Bamka ku tuureen ciidamada DFKM sida uu warbaahinta u sheegay Col. Cali Maxamed oo ka mid ah saraakiisha DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online