Ciidamada DFKM oo maanta ka saaray xarumo wasaaradeed Shacabkii Deganaa

May 10, 2012 - Written by

Muqdisho:-Howlgalo ay saaka sameeyeen ciidamada DFKM oo ay weheliyaan ciidamada AMISOM ayaa waxay ka saareen dadweyne ku jiray wasaaradii hore ee Qorsheynta qaranka halkaasna waxay ka soo saareen sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka nabadsugida ee DFKM hub iyo rasaas.

Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM ayaa baaritaano ka sameeyey xaruntii wasaarada Qorsheynta qaranka iyo guryo ku dhawaa waxayna saxaafada u soo bandhigeen hub kala duwan oo ka kooban noocyo kala duwan.

Ciidamada DFKM ayaa waxay saaka ka saareen dadweynihii deganaa xarumahii wasaaradaha kala ah wasaaradda Qorsheynta qaranka, dhismaha wasaaraddii hore ee hiddaha iyo tacliinta sare oo u dhexeysa isgoysyada Zope iyo KM4 ,xaruntii wakaalada Biyaha Xamar oo ku taalla isgoyska Banaadir oo ay deganaayeen dadweyne isigu jira kuwa soo barakacay iyo kuwo horey u deganaa magaalada Muqdisho.

Ciidamada DFKM ayaa waxaa kale oo burburiyeen Sandaqado iyo goobo si sharci daro ah looga dhisay dhinacyada wadada laamiga ee Isgoyska KM4 .

Taliyaha ciidanka Nabadsugida ee gobalka Banaadir Khaliif Axmed ayaa saxaafada kula hadlay dhismihii hore ee  wasaaradda qorsheynta qaranka ayaa sheegay in ay DFKM ay wadi doonto howlgalada ay dhismayaasha dowladii dhexe uga saareyso dadka degan kuwaas oo ku habsaday markii ay dhacday dowladii dhexe uu madaxda ka ahaa Jen Maxamed Siyaad Bare.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online