Ciidamo AMISOM oo lagu arkay degaanka Kalabayr ee gobolka Hiiraan

May 4, 2012 - Written by

Wararka naga soo gaaray Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan AMISOM gaar ahaan ka yimid  dalka Jabuuti ay saaka soo gaareen  degaanka Kalabayr hal kaas oo ay fariisamo ku lahaayeen ciidanka dalka Itoobiya  iyo ciidamo soomali ah oo la socda , Ciidankaan saaka lagu arkay degaanka Kalabayr ayaa la sheegayaa in ay yihiin ciidamo Jabuutiyaan ah oo lagu qiyaasay ilaa 300 boqol oo askari waxaan la socda Saraakiil Faransiis ah.

Dowllada dalka Jabuuti ayaa horay waxaa ay ciidamo gaaray qiyaastii ilaa 200 oo askari ay horay u geeyeen magaalada Muqisho ee caasimada dalka Soomaaliya iyagoo sheegay in ay qayb ka yihiin ciidan ka Midowga Afrika ee ay hogaaminayaan Ciidanka Ugaandha iyo Burundi oo ciidamadoodu ay ku sugan yihiin magaalada Muqdisho iyo Baydhabo. Ciidanka dalka Jabuuti ee saaka yimid degaanka Kala bayr ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo galaan gudaha magaalada Beled weyne ee xarunta Gobolka Hiraan iyagoo ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan ciidanka dalka Itoobiyaan ah oo horay u sii joogay Gobolka Hiiraan, Cidankan Jabuutiyaanka ah ayaa waxaa la socda Saraakiil Faransiis ah oo la sheegayo in ya tababaro u furi doonaa Ciidamo Soomaali ah oo sheegay in ay taageer san yihiin DFKM.

Ciidanka dalka Jabuuti ayaa waxaa ay qayb ka noqon doonaa ciidanka AMISOM oo ay Saraakiil ka tirsan Midowga Afrika ay sheegeen in ay geyn doonaa Gobollada ay ciidanka Itoobiya iyo kuwa dalka Kenya ay ku sugan yihiin horayna ay gacanta ugu hayeen ciidanka ururka Al-shabaab oo iyagu ka baxay degaanadaas isagoo xusay in ay  bedeleen qaabkii ay u dagaalami jireen ciidanka Itoobiya iyo kuwa Kenya oo taageeraya ciidamo soomaali ah oo wata magacyo kale duwan.

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online