Ciidanka Al-Shabaab oo caawa Dagaal culus ku qaaday ciidamada DFKM iyo kuwa Kenya

May 30, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in caawa dagaal saf balaaran ay  qaadeen ciidamada al-Shabaab ka dib markii ay maanta duhurkii ku soo dhawaadeen ciidamada DFKM kuwa Kenya iyo Raaskaambooniyiinta Deegaanka Xayo.

Dagaalka caawa ayaa ah mid culus waxay Al-Shabaab ku doonayaan in ay dib u celiyaan ciidamada huwanta oo maanta dagaal ku soo qaaday deegaanka Xayo kuwaas oo ku fashilmay in ay qabsadaan Deegaanka Xayo ka dib markii ay jilibka u dhigeen ciidamada Al-Shabaab

Wariyaha Halgan.net ee magaalada Kismaayo Cabdi Yare oo caawa xiriir kala duwan la sameeyey Deegaanka Xayo ayaa waxaa loo xaqiijiyey in ciidamada Al-Shabaab ay  caawa wili ku sugan yihiin Deegaanka Xayo difaac ay kaga jiraan.

Ciidamada Huwanta ayaa maanta ka soo ruqaansaday Deegaanka Qooqaani oo 57 km u jirta degmada Afmadow waxaana uu dagaal culus galabta ka dhacay Duleedka deegaanka Xayo oo 27km u jira Degmada Afmadow.

Xaalada Degmada Afmadow ayaa caawa waxaa ka jira dhaqdhaqaaq ciidan ay wadaan ciidamada Al-Shabaab halka shacabkii deganaa  Afmadow ay walaac ka qabaan dagaalka uu ku soo fido.

Ciidamada Kenya ayaa dagaalkii duhurkii ka dhacay duleedka Deegaanka Xayo waxaa ay u isticmaaleen wixii ay awood hayeen iyaga oo taangiyo iyo diyaarado ku duqeeyey Deegaanka Xayo waxaana jira khasaaaro kala duwan iyo dhaawac la keenay Degmada Afmadow.

Afhayeen u hadlay ciidamada Kenya ayaa sheegay in maraakiibta dagaalka ee ciidamada Kenya ay duqeyn ka geysteen magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/Hoose.

Cabdi Yare
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online