Ciidanka Booliska Boosaaso oo howl galo ku soo qabtay ilaa 23 qof

May 7, 2012 - Written by

Ciidanka Booliska ee magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa waxaa ay howl gal ka sameeyeen saaka xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso gaar ahaan Xaafada Zuweeto iyo Xaafada Carab ay ku soo qabteen ilaa 23 qof oo ka ganacsanayey maandooriyaal iskugu jira Xashiish iyo Khamriga la sameeyo ee Calaqa loo yaqaan. Wasiir kuxigeenka amniga Puntlland Cabdijimaal Cismaan iyo taliye kuxigeenka ciidanka Booliska Muxidiin Axmed Muuse oo saxaafada kula hadlay Saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaaso ayaa sheegay in dadkaan ay soo qabteen ciidanka Booliska si deg deg ah Maxkamada loo keeni doono iyagoo lagu eedeeyey in bulshada ay ka iibinayeen walxaha maandooriyaasha ah oo ay dowllada Puntlland horay u mamnuucday ka ganacsi gooda.

Wasiir kuxigeenka amniga Puntlland Cabdijimaal Cismaan Maxamed ayaa isaguna u sheegay saxaafadda in ciidanka Boolisku ay sii wadi doonaa howlgalka ay ku baacsana yaan kuwa bulshada ku dhexfaafinaya Maandooriyaasha iyagoo ah kuwa sababa amni dara iyo nabadgelyo xumida. Wasiirka ku xigeenka amniga ayaa sidoo kale saxaafada u sheegay in ay mamnuuc tahay in dadku ay ku dhexwataan degaanada Puntlland gaar ahaan magaalada Boosaaso baabuurta leh bacaha madow qofkii lagu qabtana talaabo sharci ah laga qaadi doono

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online