Ciidanka Booliska ee Gaalkacyo oo qabtay Hub iyo maandooriyaal

May 9, 2012 - Written by

Gaalkacyo: Ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa howl galo ay saaka ka sameeyteen Xaafadaha Israac iyo Garsoor waxaa ay ku soo qab teen hub iyo Khamri ,Ciidanka Booliska magaalada Gaalkacyo ayaa hubka ay soo qabteen waxaa uu iskugu jiraa Qoriga loo yaqaan AK-47, Bastoolado, Bambooyinka gacanta laga tuuro , dhamaan hubka la soo qabtay ayaa ahaa mid sharci daro ah.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ee Puntland Jaamaca Maxamed oo la hadlay  saxaafada ayaa sheegay in ciidanka Boolisku ee Gaalkacyo ay gacanta ku soo dhigeen ilaa 4 qof oo watay hub sharci daro ah oo la filayo in ay doonayeen in falal amaanka lid ku ah ay ka geystaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug , Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ciidanku ay soo qabteen Khamri  iyo maandooriyaal kale oo la doonayey in la geeyo magaalooyinka Boosaaso iyo Garoowe.

Taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug ee dowllada Puntland Jaamaca Maxamed ayaa sheegay in dhamaan dadkaan lagu soo qabtay hubka sharci darada ah iyo Khamriga la soo taagi doono Maxkamada si deg deg ahna sharciga loo keeni doono. Afarta Qof ee lagu soo qabtay hubka iyo Khamriga ayaa waxaa loo dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Gaalakcyo iyadoo hadda ay ciidanka Boolisku ay su,aalo weydiinayaan.

Taliyaha qaybta Booliska gobolka Mudug ee dowllada Puntland Jaamaca Maxamed ayaa ugu baaqay bulshada ku dhaqan magaalada Gaal kacyo in ay la shaqeeyaan ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee amaanka si loo adkeeyey amaanka magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobol ka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online