C/weli Gaas oo sheegay in fikirka Puntland ee Dastuurka uu ka duwaneyn fikirada kale

May 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta markii ugu horeysay ka hadlay diidmada Dastuurka Qabyo Qoraalka ee Puntland mar uu la hadlay warbaahinta ku hadasha afka DFKM wuxuuna sheegay  in fikirka ku aaddan dastuurka ee Puntland uu la mid yahay cabashooyinka kale ay soo jeediyeen dadka kale.

Raisulwasaaraha DFKM ayaa waxaa uu cadeeyey in iminka aan afti dadweyne loo qaadin karin Dastuurka DFKM wuxuuna xusay in marka laga baxo xaalada lagu jiro afti loo qaadi doono Dastuurka DFKM kaas oo dhaliyey buuq tiro badan.

Dowlada Puntland ayaa ka biyo diiday qaar ka mid ah qodobada Dastuurka DFKM iyaga oo ku baaqay in wax laga badalo qaabka uu u qoran yahay  taas oo ay masuuliinta DFKM ay si kala duwan uga hadleen.

Raisulwasaaraha DFKM Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ka hadlay qorshaha RoadMap-ka ayaa sheegay in qorshe RoadMap-ka uu marayo meel aad u wanaagsan .

Raisulwasaare Gaas ayaa sheegay in dhaliisha loo soo jeedinayo Dastuurka loo baahan yahay si loo akhriyo ka dibna la saxo loona gudbiyo culumada Soomaaliyeed iyo aqoon yahano Soomaaliyeed.

Raisulwaasaaraha DFKM Dr.C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa kale uu ka hadlay amaanka iyo dagaalka ay dowladiisa kula jirto Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in qorshaha amaanka lagu sugayo uu fiican marayo howlgaladana ay ka socdaan magaalada Muqdisho iyo gobalada dalka.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online