Dagaal culus oo ka socda duleedka Degmada Afmadow

May 27, 2012 - Written by

Afmadow:-War uu goordhow na soo gaarsiiyey wariyaha Halgan.net ee gobalka J/hoose ayaa sheegaya in dagaal culus oo faraha looga gubtay uu ka socdo duleedka degmada Afgooye dagaalkaas oo u dhexeeya ciidamada Kenya ,kuwa DFKM iyo Kaambooni oo isku dhinac ah iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay ciidamada huwanta ay dagaal ku soo qaadeen duleedka degmada Afmadow dagaalka ayaa si xowli ah u socda waxaana dadgoobjoogayaal ah ay u sheegeen wariye Cabdi yare in dagaalka maanta uu yahay mid culus ayna ka qeyb qaadanayaan diyaaradaha Dagaalka ee dalka Kenya.

Ilaa haatan ma jiro cid ka tirsan DFKM iyo Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka culus ee ka socda Duleedka Degmada Afgooye.

Cabdi yare
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,304 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>