Dagaal culus oo ka socda deegaanka Kaxda ee duleedka Degmada Dharkeenley

May 23, 2012 - Written by

Muqdisho:-Dagaal culus ayaa dhawaan ka qarxay deegaanka Kaxda iyo agagaarka Xoosha ee duleedka degmada Dharkeenley , dagaalka saaka ayaa waxaa uu dabasocdaa dagaalkii shalay ku dhexmaray duleedka  magaalada Muqdisho Ciidanka DFKM oo ay taageerayaan ciidanka AMISOM iyo ciidan ka ururka Al-shabaab.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ayaa waxaa  ay doonayaan in ay qab sadaan degaanka Ceelasha Biyaha ee loo barakacay oo ay ku nool yihiin dad fara badan waloow ay difaac iyo iska caabin kulul kala kulmayaan ciidanka Al-shabaab.

Ciidanka AMISOM ayaa waxaa ay ku dagaal galayaan Taangiyo iyo hub kale oo culus halka ciidan ka Al-shabaab ee dagaalka kula jira ay isticmaalayaan hubka garbaha laga tuuro iyo xeeladaha kale duwan ee ah miinooyinka dhulka lagu aaso oo laga hago meelaha fog fog taas oo shalay khasaaro gaarsiisay ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM.

Ciidanka AMISOM ayaa taageero dhinac walba ah ka hellaya Midowga Afrika , EU iyo dowllada Maraykanka iyaga oo lagu taageerayo dhinaca saadka iyo sirdoonka .Dhinaca kale maalintii shalay ayaa Sh Fu.aad Maxamed Khalaf oo ka mid masuuliyyinta Al-shabaab ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay taageeraan ururka Al-shabaab dagaalkana ay ka soo qayb qaataan si la iskaga difaaco cadowga gaaladaha ee ku soo duulay dalka iyo diinta.

Ciidanka DFKM  iyo kuwa AMISOM ayaa sheegtay shalay in ay ciidamadoodu ay gaareen degaanka Garasbaaley hub kale duwan ay ka qabsadeen ciidanka Al-shabaab balse arrinkaas ayaa waxaa beeniyey Sarkaal u hadal ururka Al-shabaab oo sheegay in ay dagaalkii shalay ay ku dileen Saraakiil Cadaan ah iyo kuwa AMISOM ka tirsan.

Dagaalka haatan ka socda duleedka Degmada Dharkeenley ayaa waxaa ka hadlay Taliyaha Gaaska labaad ee Ciidanka DFKM Gen C/llaahi Cagey wuxuuna ku faanay  in ay ka gudbeen Buurta Cali Janaale, ilaa Mowlaca Sheekh Axmed Xaaji kuna sii jeedaan Siinka Dheer. Ilaa haatan ma jiraan saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaal dhawaan ka qarxay deegaanka Kaxda ee duleedka Degmada Dharkeenley.

A/cawaale
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. waa kuwaas daaifadii nabigu sheegay calayhi salaatu wasalaam

  2. ACW,

    Ilaahayoow Soomaalida u gargaar oo xaqana tus.
    waxaa hubaal ah koox walboo dhibaato u geysata Soomaalida inuu ilaahey marinaayo waxey muteesteen.
    Soomaaliyeey ilaahey wuxuu xadiith el-qusi ku yiri:

    عن أبي ذر الغفاري رضي الله عنه ، عن النبي صلى الله عليه وسلم فيما يرويه عن ربِه عز وجل أنه قال : ( يا عبادي إني حرمت الظلم على نفسي ، وجعلته بينكم محرما فلا تظالموا ، يا عبادي كلكم ضال إلا من هديته ، فاستهدوني أهدكم ، يا عبادي كلكم جائع إلا من أطعمته ، فاستطعموني أُطعمكم ، يا عبادي كلكم عار إلا من كسوته ، فاستكسوني أكسكم ، يا عبادي إنكم تخطئون بالليلِ والنهار ، وأنا أغفر الذنوب جميعا فاستغفروني أغفر لكم ، يا عبادي إِنكم لن تبلغوا ضري فتضروني ، ولن تبلغوا نفعي فتنفعوني ، يا عبادي لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم كانوا على أتقى قلب رجل واحد منكم ما زاد ذلك في ملكي شيئا ، يا عبادي لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم كانوا على أفجرِ قلب واحد منكم ما نقص من ملكي شيئا ، يا عبادي لو أن أولكم وآخركم وإنسكم وجنكم قاموا في صعيد واحد فسألوني ، فأعطيت كل واحد مسألته ما نقص ذلك مما عندي إلا كما ينقص المخيط إذا أدخل البحر ، يا عِبادي إنما هي أعمالكم أحصيها لكم ثم أوفيكم إياها ، فمن وجد خيرا فليحمد الله ، ومن وجد غير ذلك فلا يلومن إلا نفسه ) رواه مسلم
    Walaalayaal,
    Xadiith Qudsigan ila eega: (ilaahey wuxuu leeyahy adoomadeeydaay dulmiga waan iska xarimey, idinkana waan idinka xaarimey ee ha is dulminina!)
    waxaa hubaal ah Soomaali badan ineey ayagoo ooyaya ay indhaha beeleen dulmiga aan isu geeysaney darteed ee walaalayaal aan ilaahey u noqona samadana aan ka shaqeyno si uu ilaahey dhibaatada na heysataa uu nooga qaado….

Leave a comment

*