Dagaalo culus oo xalay ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

May 7, 2012 - Written by

Hiiraan:-Dagaal culus ayaa xalay ka dhacay qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana uu dagaalka dhexmaray ciidamada Huwanta ah iyo kuwa Al-Shabaab. Dagaalka xoogiisa ayaa waxaa uu ka dhacay galbeedka magaalada B/weyne gaar ahaan xaafada howlwadaag.

Dagaal ka ayaa waxaa uu si toos ah u qarxay saacada markay ahayd 01:00 habeenimo waxaana dagaal qorsheysan qaaday ciidamada Al-Shabaab iyaga oo adeegsanaya qoryaha boobaha iyo Madaafiicda garabka laga tuuro.

Dagaalka xalay ayaa waxaa uu khasaaro gaarsiiyey labada dhinac waloow aan la aqoon tirada rasmiga ah oo wax ku noqday dagaalkii xalay.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Hiiraan ee dhinaca  amniga Axmed Cusmaan Cabdalle ayaa sheegay in al-Shabaab ay soo qaaday weerarka, ka dibna ay iska difaaceen khasaaro xooggana ay gaarsiiyeen wuxuuna sheegay in ay dileen 8 askari oo ka tirsan Al-Shabaab qaar kalana ay dhaawaceen.

Dhanka kale sarkaal u hadlay Ururka Al-Shabaab ayaa sheegay in ay khasaaro lixaad leh ay u geysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM wuxuuna sheegay in xalay ay qabsadeen mudo kooban xaafado ka tirsan magaalada B/weyne ee xarunta gobalka hiiraan.

Magaalada B/weyne ayaa saaka  deggan waxaana jira howlgalo ay magaalada ka sameeyeen saaka ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online