Darsigii 5aad ee Manhajka Jamaacada Al-ictisaam bilkitaab Wa Sunnah Sh Bashiir Axmed Salaad (Daawo Video)

May 2, 2012 - Written by

Waxaa Shabakadda wararaka ee Halgan.net ay maanta mar kale idiin soo gudbinaysaa duruus ku saabsan Manhajka Jamaacada Al-ictisaam oo ah urur Islaami ah oo ka jira dalka Soomaaliya iyo dalalka soomaaliya dariska la’ ah  Man hajka Jamaacada Al ictisaam ayaa ah mid ka kooban ilaa 17 xal-qadood oo xalaqaddiiba ay tahay ilaa 30 daqiiqo. Duruustan ayaa waxaa akhrinaya Sh.Bashiir Axmed Salaad oo ah Amiirka jamaacada Al-ictisaam bil-kitaab wassunnah sheekhu wuxuu sharaxayaa manhajka jamaacada Al-ictisaam oo ka kooban manhajka caqiiqada, manhajka fahamka iyo sida wax loo daliishado ama nusuusta loo fahmo, iyo manhajka dacwada iyo badalitaanka iyo islaaxinta bulshada.

Manhajku Jamaacada Al-ictisaam ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa 17 baab oo si qawaacid ah u qoran waxaana diyaariyay lajnada cilmiga ah ee jamaacada Al-ictisaam bilkitaab wa sunnah, waxaana loogu talo galay in lagu iftiimiyo oo lagu saxo wax yaabo badan oo saaxada yaalla, si gaar ah wuxuu u khuseeyaa dadka dalabatul cilmiga ah ama ku howlan dacwada iyo faafinta diinta.

Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta duruusta oo ka kooban 17 xalaqo hadii alle idmo.

Halkaan ka Daawo Darsigii 5aad ee Manhajka jamaacada al ictisaam bilkitaab wa sunnah

N:B Digniin ku socota shabakadaha caadeystay caayda iyo Been Abuurka Culumada waxaan uga digeynaa in ay xuquuqda u gaarka ah Halgan.net ay u isticmaalaan aflagaada culumada iyaga oo qaar ka mid ah ay xadeen codad iyo Muuqaalo u gaar ah Halgan.net.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. MAA SHAA ALAAH ILAAHAY HA XIFDIYO MIISAAN KOODANA HAUGU DARO KHAYRA
    AY UMADA USOO GUDBUNAYAAN

Leave a comment

*