DFKM oo dhaliishay shirka ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiya

May 28, 2012 - Written by

Nairobi:-DFKM ayaa markii ugu horeysay ka hadashay shirka ka furmay magaalada Istanbul ee xarunta dalka Turkiya kaas oo la sheegay in uu u furmay ururada bulshada rayidka iyo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka ee Soomaaliyeed ee dhawaan ka dhoofay garoonka Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Dastuurka, Fedraalka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxman Xoosh Jibriil oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Halgan.net caawa ayaa waxaa uu wasiirku sheegay in DFKM ay ka walaacsan tahay sida ay dowlada Turkiga u agaasimtay Shirka Istanbul 2 .

Wasiirka Dastuurka, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxman Xoosh Jibriil ayaa ku eedeeyey dowllada Turkiya in ay shirka u qaaday kooxo si gaar ah isku abaabushay wuxuuna sheegay in shirka uu ula muuqdo mid wax loogu dhimayo geedi socodka nabada ee Soomaaliya iyo hirgelinta Roadmabka.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Dastuurka, Fedraalka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxman Xoosh Jibriil ayaa waxaa kale oo lagu sheegay in shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Addis ababa ay ka soo baxeen heshiis ayna lagamaarmaan tahay in aan laga weecin ujeedadiisa iyo go,aamadii ka soo baxay ,wasiirka ayaa intaas ku daray in uu beesha caalamka ay wargaliyeen ayna ka go,antahay dowladiisa in laga gudbo ku meelgaarka.

Wasiirka Dastuurka, Fedraalka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxman Xoosh Jibriil  ayaa si cad u sheegay in DFKM ay fulin doonto dhamaan heshiisyadii iyo kulamdii ka dhacay Garoowe 1-iyo 2,shirkii ka dhacay Muqdisho ,Gaalkacyo  iyo shirkii ugu danbeeyey ee ka dhacay magaalada Adis Ababa kaas oo ay madaxada Soomaalidu ku gaareen Heshiis buuxa.

 

Warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska Wasiirka Dastuurka, Fedraalka iyo Dib u Heshiisiinta C/raxman Xoosh Jibriil halkan  ka akhriso.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online