Dhaawacyadii Qaraxii shalay ka dhacay Dhuusamareeb oo loo qaaday Itoobiya

May 2, 2012 - Written by

Guriceel:-Waxaa saaka loo qaaday qaar ka mid ah dhaawacyadii qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobalka Galgadúud dalka Itoobiya waxaana Diyaaradu ay ka qaaday magaalada Guriceel. Dhaawacyada saaka loo qaaday dalka Itoobiya waxaa ka mid ah Axmed C/salaan Xaaji Aadan iyo xildibaan C/risaaq Isaaq Biixi iyo xildhibaan Xuseen Samatar .

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in uu kordhay khasaarahii ka dhashay qaraxii shalay ka dhacay Degmada Dhuusamareeb waxaana ay dhimashadu gaartay ilaa 7qof halka dhaawaca uu sii marayo ilaa 20 kale.

Siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan ayaa waxaa uu dhaawac culus uu ka gaaray mid ka mid ah labadiisa indhood waxaana saaka loo qaaday magaalada AdisAbaba ee xarunta dalka Kenya. Afhayeenka Al shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa sheegtay qaraxii shalay ka dhacay Degmada Dhuusamareeb wuxuuna sheegay in ay laayeen Saraakiil Itoobiyaan ah iyo Murtadiin .

Guddoomiyaha golaha fulinta ee Ururka la baxay Ahlusunna Sheekh Maxamed Yuusuf Xeefoow ayaa wacad ku maray in ay ka aargoosan doonaan Ururka Al-Shabaab wuxuuna sheegay in maxkamad ay la tiigsan doonaan.

Xaaladda Guud ee Degmada Dhuusamareeb ayaa saaka deggan waxaana si caadi ah u socda Ganacsiga iyada oo ay hadalheynta ugu badan ee magaalada ay tahay qarxii shalay iyo cida fulisay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online