Dhac baahsan oo xalay loo geystay dukaamada Soomaalida ee xaafada Islii.

May 8, 2012 - Written by

Kenya:-Banaanbax xooggan ayaa ka dhacay maanta xaafada Islii oo ay si gaar ah u dagaan jaaliyada Soomaaliyeed ka dib markii xalay dhac baahsan loo geystay Dukaamo iyo meherado tiro badan oo ay lahaayeen muwaadiniin Soomaali ah waxaana lagu gurtay Lacag iyo Alaab kale oo badan gawaari xamuul ah.

Maleeshiyaan Kenyan ah oo ku hubeysan Qoryaha AK47 ayaa saf ka maray xalay Dukaamo badan oo ku yaal xaafada Islii markii ay Soomaalida wargaliyeen ciidanka amaanka ee dalka Kenya ayaan jirin cid u soo dhaqaaqday taas oo ka careysiisáy Soomaalida waxayna dhigeen saaka banaanbax Balaaran.

Wariye madaxbanaan oo la soo xiriiray Halgan.net ayaa u sheegay in xaalada amaanka ee xaafada Islii uu faraha ka baxay iyada oo uu ku soo batay dhac iyo boobka iyo kooxo gaangis ah oo dhaca Soomaalida mararka qaana dila.

Waxaa la xiray saaka Inta badna Dukaamadii iyo Ganacsigii Xaafadda iyo Suuqa Islii waxaana goobta soo gaaray xildhibaanka laga soo doortay xaafada Islii Yuusuf Xasan  isaga oo balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan amaanka xaafada Islii.

Soomaalida ku nool dalka Kenya ayaa ah kuwa beylaha ah iyaga oo aysan is dhaamin kuwa Kenyanka ah iyo kuwa Qoxootiga ah ee nolasha ka soo raadsaday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dhaca loo geysanayo dadka Soomaalida ah ayaa wuxuu yahay mid ku talo gal ah iyada oo ay Soomaalidu lahay Jaaliyada iyo Gudi u dooda xuquuqdooda waxayna ka degan yihiin magaalada Nairobi xaafada ugu qasinka iyo wasaqda Badan mana helaan wax daryeel ah iyaga oo bixiya lacagta ugu faraha badan ee Canshuurta ah.

Dhibka Soomaalida ku heysta wadamada caalamka ayaa waxaa uu salka ku hayaa dowlad la,aanta iyo iyagii oo u qaxay aduunka dacaladiisa oo dhan waxaana murugo ugu filan Soomaalida damiirka leh in ka badan 900 .Oo caruur ah laga qaatay waalidkoodii wadanka Norway oo ah wadan aad u yar marka loo eego wadamada Soomaalidu u qaxday sida USA ,UK iyo Canada lama qiyaasi karo tirada caruurta ee gaalada qaadatay iyo kuwa ku halaabay wadamada qurbaha.

C/Casiis Maxmed
Halgan.net

3 Comments so far

Leave a comment

  1. inta ay dhisayaan magaalo ayna lahayn maxay hantidooda ugu bixin la’yihiin wadankooda. meel walba waa ay ku dayac tiran yihiin

  2. Aad bay ugu fiican tahay in la dhaco somalida kenya joogta.
    Aqoon darro baahsan ayaa haysata waana dad seexday saw kuwa xayaysiiska ay wadaan kenya nairobi mall iyo shoppin centre miyay garan waayeen gurigan ma lihide aad ha ugu dhalin.

  3. somalida kunool kenya isma raacsana wayo gacmawadajirbaywaxkuguuyan marka somaliyeey israaca balwalba aad joogtan waa igala dar daaran by

Leave a comment

*