Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka jira degaanka Xayo ee Gobolka Jubada Hoose

May 16, 2012 - Written by

Kismaayo:-Waxaa saaka laga dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan degaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose ka dib markii ciidamo huwan ah oo ka kooban Ciidanka dalka Kenya iyo kuwa Raas kaambooni ay  u soo dhaqaaqeen degaanka Xayo oo qiyaastii 20 KM dhinac galbeed kaga beegan degmada Afmadoow. Ciidamadaan huwanta ah ayaa waxaa ay doonayaan in ay weerar ku qaadaan degmada Afmadow oo ay hadda gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab difaacyo badan ay dul dhigeen si ay iskaga difaacaan weerarka kaga imaanaya ciidanka huwanta ah oo ay dhowr jeer oo hore ay ku dagaalamaan degaanka Xayo.

Degaanka Xayo ayaa saaka laga dareemayaa xiisad kacsanaan ah  iyadoo ciidanka huwantu ay ku soo dhawaadeen, ciidanka Milateriga dalka Kenya ayaa hormuud ka ah qabsashada degaano dhowr ah oo ku yaal gobolka Jubada Hoose oo ka baxay gacan ku haynta Ururka Al-shabaab iyadoo taas loo aanaynayo hubka ay isticmaalayaan ciidanka Kenya oo taageero ka hellaya Midowga Afrika iyo EU.

Dhinac kale ciidanka DFKM iyo kuwa Raaskaambooni ayaa saxaafada u sheegay in ay qabteen sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab ka dib dagaal xooggan oo ka dhacay degaanka Qooqaani walow aysan ilaa hadda si rasmi ah saxaafada ugu soo bandhigin. Sarkaal u hadlay ciidanka huwanta ah ayaa sheegay in sarkaalka laga qabtay ururka Al-shabaab lagu magacaabo Abshir C/laahi uuna ahaa nin u qaabilsan dhinac wacyi gelinta iyo dacwada gobolka Jubada Hoose.

A/cawaale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ACW,

    Dagaalkan socda waa mid sii dheereynaya dhibaatada ummada Soomaaliyeed ay ku jirtey 20 sano ee lasoodhaafey, Sida muuqatana waa dagaal kooxaxa is ku heystaa uu mid waliba raba inuu xukunka ku gaaro, Waxaa iga Su’aal ah Soomaaliya malaga waayey rag damiir leh oo ilaahey ka cabsada, kalsoonina isku qaba oo aan u baahneyn ajnabi ka caabiya iney xukunka la wareegaan?

Leave a comment

*