Dhaqdhaqaaq ciidan iyo dgaalo saaka ka jira duleedka magaalada Muqdisho

May 25, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan DFKM iyo kuwa AMISOM oo xoojin ah ay soo gaareen goordhow degaanka Carbiska oo maalmihii la soo dhaafay uu ka dhacayey dagaalo culus oo ay isku fara saareen ciidamo huwan ah oo ay hogaaminayaan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM iyo ciidanka ururka Al-shabaab.

Goobjoogayaal ku sugan deegaan duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in la arkeyy ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo kuwa DFKM oo fariisamo ay ka samaysteen degaanka Carbiska ka wada dhaqdhaqaaq ciidan.

Sarkaal u hadlay goordhow ciidanka DFKM ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay hadda gaareen Ceelasha Biyaha, Calamada, Lafoole iyo degaano hor leh.

Ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM  ayaa saaka  bilaabay in ay baabuurta ay wataan ay soo maraan waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye. dhinac kale waddada EX-Control Balcad ayaa waxaa kale oo ka jira dhaqdhaqaaq ciidan iyadoo laga cabsi qabo in uu ka qarxo dagaal u dhexeeya ciidanka AMISOM iyo kuwa ururka Al-shabaab

 

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online