Dowlada Puntland oo diiday dastuurka qabyo qoraalka ee DFKM (Dhageyso)

May 11, 2012 - Written by

Garoowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole  ayaa waxaa lagu diiday Dastuurka qabyo qoraalka ee DFKM waxaana warsaxaafadeedka uu si cad u qeexay mowqifka Maamulka Puntland ee ku aadan in dalka uu yeesho dowlad dhexe.

Kulan ay galabta isigu yimaadeen wasiiro ka tirsan dowlada Puntland ayaa waxay si wada jir ah uga dooday dastuurka qabyo qoraalka ee DFKM waxay sheegeen in dastuurka uu si cad uga horimaanayo arimaha federaalka ee ay horey ugu heshiiyeen DFKM iyo Puntland.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa warbaahin u akhriyey wasiiru dowlaha maamul wanaaga Maxamed Faarax Ciise Gaashaan waxaana lagu xusay warsaxaafadeedka in dowlada Puntland u saartay gudi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano kuwaas oo soo eega dastuurka qabyo qoraalka waxaana hogaaminayey wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Cabdiweli Xirsi Cabdule Indhaguran.

Dowlada Puntland ayaa sheegtay in dastuurka qabyo qoraalka uu si toos ah uga horimaanayo dhamaan shirarkii iyo heshiisyadii ka dhacay Garoowe 1-or 2-iyo heshiiskii Gaalkacyo.

Warsaxaafadeedka ayaa waxaa lagu qeexay in Soomaaliya ay u baahan tahay dastuur kaas oo qeexaya qaybsiga siyaasada, khayraadka dalka iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed kuna saleysan Nidaamka Federaalka .

Nuqul ka mid ah Warsaxaafadeedka oo ku qoran Luqada Englisha ayaa soo gaaray Halgan.net hoos ka Akhriso.
PR_11May2012_En

[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/378urt2aqb/baaq.mp3]

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Asc. asalaamu caleykum. Haddii la bedeley wixii lagu heshiiyey
    P/land waxeey xaq u leedahay in eey ka baxdo heshiiskii eey
    lagashay dawlada federaalka ah. islmarkaasna waa ineey ka baxdo wiixii ey hor ula gasha sh. sharif oo ah nin isbedel badan.

Leave a comment

*