Dowladda Ugaandha oo shaacisay in ciidamo dheeraad ah ay geysay dalka Soomaaliya

May 5, 2012 - Written by

Wasaaradda Gaashaandhiga ee dalka  Ugaandha ayaa shaac ka qaaday in ciidamo dheeraad ah oo ka socda dalkooda ay u soo direen dalka Soomaaliya  iyagoo xusay in ciidanka dalka Soomaaliya in ay gaarsiiyeen ilaa 8000 oo askari. Ciidanka AMISOM  ee hadda ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa  lagu qiyaasaa in ka badan 17.000 oo askari  iyagoo maalin walba soo kordhiya ciidankooda taas oo sabab u ah iyagoo gacanta ku haya Dekkada magaalada Muqdisho iyo Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Milateriga ah ee dalka Ugaandha  Col. Flix Kula yigye ayaa saxaafada u xaqiijiyey in ciidamo ka socda dalka Ugaandha ay mar hore ku biireen ciidanka AMISOM ee ay hogaaminayaan dalalka Ugaandha iyo Burundi . Col.Flix ayaa ku dooday in ciidankoodu ay wax ka qabanayaan Nabadgelyada dalka Soomaaliya isagoo xusay in ay xoojinayaan ciidanka DFKM.

Afhayeen u hadlay Ciidanka Milateriga ah ee dalka Ugaandha  Col. Flix Kula yigye ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidanka AMISOM ay qab sadeen dhamaan inta badan xaafadaha magaalada Muqdisho guulana ay ka gaareen howl galada ay ka wadaan magaalada Muqdisho.

Ciidanka AMISOM ee ku sugan magaalooyinka Muqdisho ,Baydhabo iyo Hiiraan ayaa la daalaa dhacaya weeraro iyo dagaalo ay ku qaada yaan ciidanka ururka Al-shabaab oo dagaalo joogto  ku qaada fariismaha ay ciidanka DFKM iyo kuwa AMISOM ku sugan yihiin.

 

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online