Golaha Wasiiradda DFKM oo kulmay kana hadlay shirka Istanbul II

May 31, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ahna Wasiirka Ganacsigga & Warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Howlgalkii Ciidamada ,Amaanka dalka,iyo Shirka Turkiga.

 Ugu horeyntii  Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga Maxamuud Macalin Nuur, ayaa ka warbixiyay amaanka dalka gaar ahaan goobihii laga xureeyay Kooxaha nabad diidka ah ee inta u dhaxeyso Afgooye iyo Muqdisho.

 Sidoo kale, Wuxuu Wasiiru-dowlaha Gaashaandhigga  Golaha u sheegay in howlgaladii Militari ay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ee gacanta ku dhigay inta u dhaxeyso Afgooye iyo Muqdisho iney ciidamada  sii wadayaan howlgalada ka dhanka ah Kooxaha nabad diidka ah ilaa dalka oo dhan laga xureeyo.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixin ka siiyey Golaha Shirka ka soconaya Istanbuul ee dalka Turkiga kaas oo ay ka qeyb galayaan dhamaan dhinacyada Soomaalida islamarkaana laga rajeynayo inuu ka soo baxo war dhaxalgal u ah shacabka Soomaaliyeed.

Golahu waxey ku ammaaneen ciidanka XDS iyo AMISOM guulaha is-daba-jooga ah oo ay kooxaha nabad-diidka ah uga xorreynayaan dalka. Golahu waxey kaloo ku ammaaneen ciidanka sida loo bad-baadiyey shacabka oo aan wax khasaaro ah aysan ciidamadu u geysan. Waxeyna Golahu ka codsadeen Hay’adaha Gar-gaarka in shacabka si deg-deg ah loola soo gaaro gurmad gar-gaar.

  Ugu danbeyntii golaha wasiiradu waxey  dhiiro gelin u direen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM islamarkaana ku amaaney sida ay u badbaadiyeen Shacabka Soomaaliyeed.

– DHAMAAD

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Deputy of Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online