Qaar ka mid ah Isimadii Puntlland uga qayb galayey Shirka Muqdisho oo dib ugu soo laabtay Garoowe.(Sawiro)

May 15, 2012 - Written by

Ergadii Isimada  Puntlland uga qayb galayey Shirka lagu soo xulayey xubnihii ansixin lahaa Dastuurka cusub ee DFKM ay yeelanayso  ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ee xarunta dowllada Puntlland, Isimada maanta dib ugu  Garoowe ayaa la sheegayaa in ay saluugeen qaabka uu u socdo shirka Dastuurka ee ka socoda magaalada Muqdisho.

Madaxweyne xigeenka ahna kusimaha madaxwaynaha dowladda Puntland Gen. Cabdisamad Cali Shirre ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe Isimada dhaqanka ee Puntland  , Afhayeenka isimada Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay in markii ay tageen magaalada Muqdisho la soo dhaweeyey wax ay u tageena ay ahay in dib loo yagleelo qaranimada  dalka Soomaliya iyo si dowllada loogu dhisi lahaa balse howshii ay u tageen magaalada Muqdisho ee Dastuurka qabyo qoraalku uu yahay mid weli aan dhamaystirnayan sidaas darteedna ay ka soo baxeen shirka.

no images were found

Ergada Isimada Puntlland  ee saaka soo gaaray Garoowe  ayaa waxaa lala xiriirinayaa khilaafka  dhinac Dastuurka ah ee soo kala dhex galay dowllada Puntlland iyo DFKM arrinkaas oo maalmihii la soo dhaafay aad loo hadal hayey. Madaxda Puntlland ayaa waxaa ay maalmo ka hor ay shaaciyeen qodobo dhowr ah oo ay doonayaan in la cadeeyo ama laga bedelo Dastuurka cusub oo loo samaynayo DFKM ee la soo dhisayo bisha Augt ka dib.

Ra’iisul wasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Cali Maxamed Cali Gaas oo maalmo ka hor ka hadlay madasha shirka Dastuurka ayaa ku cel celiyey in odayaasha dhaqanka looga baahan yahay in ay bulshada Soomaaliyeed ay isku soo dhaweeyaan mar uu ka hadlayey diidmada ka timid dhinac Puntlland ee ku saabsan Dastuurka ayaa Ra’iisul wasaare Gaas uu sheegay wuxuuna in fikirka ku aaddan dastuurka ee Puntland uu la mid yahay cabashooyinka kale ay soo jeediyeen dadka kale

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online