Iska horimaada ka dhacay saaka Xaafada New Hargeysa ee magaalada Hargeysa

May 15, 2012 - Written by

Waxaa maanta iska horimaad hubaysan uu ku dhemartay Xaafada  New-Hargeysa ee duleedka bari ee magaalada Hargeysa ciidanka Booliska S/lland iyo dad shacab ahaa oo deganaa warashadii Kabista ee ciidankii xooga dalka Soomaliyeed ay ku lahayeen magaalada Hargeysa , iska horimaadka ayaa bilow day ka dib markii ciidanku ay damceen in ay dadka ka raraan taas oo dadku ay kala horyimaadeen shaqaaqo iyo buuq.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, oo uga waramay saxaafada iska hormaad ka dhacay saaka xaafada new Hargeysa ee ku taal duleedka bari ee magaallada Hargeysa ayaa sheegay in iska horimaadka ay ku dhinteen ilaa 3 askari oo ka mid ciidanka S/lland, Wasiirka ayaa xusay in dad shacab ah oo gadoodsan ay rasaas kala horyimaadeen ciidanka Booliska rasaastaas oo dhalisay khasaaro dhan ilaa 7 qof oo dhimasho ah 4 ka mid ah yihiin shacab ah iyo 3 askari oo ka tirsan ciidanka S/lland.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa xusay in ciidanka S/lland ay hadda ku sugan yihiin goobta dhibku ka dhacay iyagoo dad dhowr ah ay ciidank gacanta ku dhigeen . Dadka ku dhaawacmay shaqaaqada saaka ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa iyadoo ciidanka Bololiska magaalada Hargyesa ay ku guulaysteen in ay jooji yaan shaqaaqada dhexmartay iyaga iyo dadkii shacabka ahaa ee deganaa warashadii Kabista ciidankii xooga dalka Soomaliyeed.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online