Islaan Bashiir Islaan Cabdulle oo soo gaaray Magaalada Muqdisho (Warsaxaafadeed)

May 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Islaan Faarax oo maanta si heer sara ah loogu soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.Islaan Bashiir, ayaa waxaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay Ugaas Maxamuud Cali Ugaas Cabdulle, Salaadiin, qaar ka mid ah Odoyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, Xildhibaano, Ururada Haweenka iyo dadweyne kale oo aad u fara badan.

Soo dhaweynta kadib Islaan Bashiir Islaan Cabdulle, oo kamid ah Salaadiinta ugu caansan dalka kana mid ah Salaadiinta ugu magaca weyn Puntland ayaa Saxaafadda kula hadlay Garoonka, wuxuuna sheegay in imaatinkiisa ay tahay inuu ka qeybqaato hanaanka nabadeed ee Soomaaliya.

“Ugu horeyn waan idin salaamayaa dhamaan mas’uuliyiinta dowladda, Odoyaasha, Saxaafadda, Xildhibaanada, dhalinyaradda, Haweenka iyo inta kalaba sida wanaagsan oo aad ii soo dhaweyseen, Wuxuuna imaatanka yagu ku saleysan yahay inaan ka qeybqaadano dadaalada soconayo ee lagu doonayo in dowladd Soomaaliyeed la helo, Muqdishana waa caasimadeenii aad baan ugu faraxsanahay imaatinkeeda”.

no images were found

Wuxuuna Islaan Bashiir Islaan Cabdulle Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku suray geedka nabadda, Islamarkaana tilmaamay iney muhiim tahay in laga wada shaqeeyo hanaanka dowladdnimo ee hadda socda.

Ugu dambeyntii Islaan Bashiir, ayaa xusay inuu ka qeybqaadanayo isku xirka Umadda Soomaaliyeed iyo sameynta dowladd qaran oo looga baxo Kumeel Gaarka inaan xoojiyo maantana ay noqoto maalin midnimo, maalin Israax, Iscafin islamarkaana ee noqoto maalin aynu soo cesheno sumcadeenii iyo Sharaftii Soomaaliyeed.

Abdinor Abdikadir Mohamed (Daacad)
Muqdisho
Xafiiska Raisulwasare Cabdiweli gaas

1 Comment so far

Leave a comment

  1. maasha allah waa farxad inuu islaamku tago muqdisho waa nin sumcad weyn kuleh ummada soomaaliyeed gaar ahaan reer puntland illaahay ha dhawro islaan bashiir islaan abdile

Leave a comment

*