Koox hubeysan ayaa caawa ku dhaawacay Cali Shaambo magaalada Baydhabo

May 30, 2012 - Written by

Baydhabo:-Wararka caawa naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa sheegaya in koox hubeysan oo dhagarqabayaal ah ay dhaawaceen Cali Shaambo oo ka mid ahaa Ciyaartooydiii hore ee xulkii  kubbadda cagta Soomaaliya xili uu ka soo baxay masaajid ku yaal magaalada Baydhabo.

Cali Shaambo ayaa in mudo ah ku noolaa magaalada Baydhabo waxaana caawa weeraray labo dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bistoolado xili uu ku sii jeeday gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Isha Baydhabo.

Taliyaha saldhigga booliiska Baydhabo Aadan Axmed Cumar (Biid) oo caawa saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Cali Shaambo ay dhaawaceen koox aan la aqoon cida ay yihiin balse ay wili wadaan baaritaano ku aadan weerarka lagu qaaday Cali Shaambo.

Mid ka mid ah Dhaqaatiirta ka howl gala Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa saxaafada u sheegay in Cali Shaambo uu dhaawaciisa uu culus yahay ayna la tacaalayaan isaga oo ka dayriyey in wax looga qaban karo Isbitaalka magaalada Baydhabo.

Ilaa haatan lama yaqaan cid weerarka ku qaaday Cali Shaambo iyo ujeedada ay ka leeyihiin mana jirto cid sheegatay.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online