Ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliy oo ka hadlay dagaalada ka dhacay duleedka Muqdisho

May 22, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ka dib dagaal maanta ka dhacay duleedka Dayniile ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa guul ka sheegtay  Ciidanka AMISOM oo taageeraya ciidanka DFKM walow arrinkaas ay beeniyeen ciidanka ururka Al-shabaab oo sheegay in duulaankii ay soo qaadeen ciidanka AMISOM maanta ay ku jabeen.

 

Ku xigeenka Wakiilka Midow ga Afrika  ee Ciidanka AMISOM Wafulu Wamuyiyi oo la hadlay saxaafada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dagaalka saaka ay qaadeen ciidanka AMISOM uu ahaa mid qorsahaysan oo loogu talagalay buu yiri in dhibaato aysan ka soo gaarin dadka faraha badan ee ku nool duleedka magaalada Muqdisho waa sida uu hadlaka u dhigaye.

Ku xigeenka Waikiilka Midowga Afrika  ee Ciidanka AMISOM Wafulu Wamuyiyi oo garabkiisa uu taagnaa  Taliyaha ciidanka AMISOM ee magaalada Muqdisho ayaa ku celceliyey in dagaalka saaka uu ahaa mid u dhacay siddii loo qorsheeyey isagoo sheegtay in dadka shacabka ah ay ugu baaqeen in ay guryahooda ay ku sugnaadaan. Taliyaha ciidanka AMISOM Anduru Guti ayaa ku faanay in ay dileen ilaa 4 askari uu ka tirsan Al-shabaab  hub kale duwan ay ka qabsadeen ciidanka Al-shabaab hubkaas oo uu ku sheegay ilaa 2 gaadiidka hubka uu saran yahay ah.

Sarkaal u hadalay dhinac ururka Al-shabaab ayaa guusha ciidanka AMISOM ku sheegay mid been abuur ah waxaana uu xusay in khasaaro xooggan ay gaariiyeen ciidanka AMISOM iyo kuwa DFKM ayna ku fashilmeen markii 3aad in ay wax guul ah ay ka gaaraan weerar ay ku soo qaadeen degmada Dayniile.

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online