Machadka Culiimta Shareecada Islaamka ee Ibnu Xajar Al Casqalaani oo soo saaray Warbixin sanad Dugsiyeedka 2011-2012

May 23, 2012 - Written by

Machadka  Ibnu Xajar ee Culuumta sharciga ah ee Magaalada Boosaaso ayaa soo saaray warbixin sanadeedkii sanad dugsiyeedkan 2011 -2012 waxaan si rasmi sanadkan loo soo xidhay taariikhdu markay ahayd 30 Bishii tagtay ee April. Warbixintan waxaan ku eegi doonaa heerka uu macadku soo maray iyo Ardayda wax ka barta wuxuuna Machadka ni yahay midkii ugu horeeyay ee Deegaanada Puntland laga furo sanadkii 2006-dii waxaana ilaa xiligaa ka baxday arday kor u dhaafeysa 200 oo Arday kuwaas oo bartay Culuumta Diinta Islaamka.

Taarikhda Mac’hadka  Ibnu Xajar Al Casqalaani

Waxaa la Aasaasay sanadkii 2006 xiliga wuxuuna noday kii ugu  horeeyay ee laga furo Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari iyo guud ahaan Gobolka Waqooyi Bari (Puntland) Macadki waxa uu hoos tagaa Kuliyadda Shareecada iyo Dirasaadka Islaamka ee Jaamacadda Bariga Afrika oo ah Jaamacada ugu faca weyn Puntland.

no images were found

Machadka  diraasada uu bixiyaa waa Culimta Diinta qeybaheeda kala duwan iyo sidoo kale barashada Luuqda Carabiga iyo qawaacideeda waxana ka maqneyd maadooyin kale oo ardayda lagu kabo. Mac’hadka  waxaa wax ka barta Arday ay tiradoodu ku samin tahay 725 Arday oo 336 ka mid ahi wiilal yihiin halka gabdhuhuna ay ka yihiin 389 hablood, heerarka waxbarasho ee uu Macadku bixiyo ayaa kala ah Diploma ka sareeya Dugsiga sare , Dusiga Sare iyo kan Dhexe_ Hoose.

Xiliyada waxbarashada ayaa ah labada galin ee Subax iyo Galabkii waxaana jira xiliga habeenkii ah oo ay si gaar ah u dhigtaan Ragga maalintii shaqeeya ama aysan duruufuhu u saamaxayn in maalinkii ay soo xaadiraan diraasada . Ardayda ka baxda Mac’hadka  waxaa ay si toos ah u tagaan Kuliyadda Shareecada ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso , waxaa la xusi karaa in Mac’hadka  ay si gaar ah waxbarashadiisa uga faa’iideysteen Ardayda wax ku soo baratay Xalaqaadka Masaajida kuwaa oo Mac’hadka  ka helay waxbarsahado Academic ah waxayna Ardaydaa tiradoodu ku o dhaaftay 200 oo Arday.

Sidaa oo kale waxa jirta in Mac’hadka  ay ka faa’iideysteen Arday badan oo doonayay in ay wax ka bartaan Jaamacadaha shuruudana looga dhigay in ay ka so baxaan Macaahidda Shareecada lagu barto ama dugisyada sare kuwaa oo fursad ka helay Mac’hadka  kana faa’iideystay waxbarsahada Culuumta Sharciga ah ee uu bixiyo Macadku.

Hab Nidaameedka Mac’hadka  

Habka uu ku dhisan yahay Mac’hadka  ayaa ah faafinta Diiinta Suuban ee Islaamka ah iyadoo Ardayda la barayo Culumta Diinta Islaamka qeybaheeda kala duwan iyadoo Durustuna ay tahay mid nidaamsan oo marxalado kala leh. Sidaa oo kale waxaa Mac’hadka  uu leeyahay heerar waxbarsho uu Ardayku hadba heer u gudbayo laga soo bilaabo marxalada hoose ilaa herka u sareeya .

Yoolka ama hadafka Mac’hadka  ayaa ah soo saaridda Jiil wanaagsan xabaraasana Diinta islaamka una istaagi kara faafinteeda iyo gaadhsiinta Bulshada lehna dhaqan wanaagsan oo ku dayasho iyo hamiba xambrasan. Macadku waxa uu leeyahay labo heer waxbarsharo ama labo Term (Semester) sanad dugsiyeed kasta waxaana xiliga warbashadu ay tahay mid ku munasib ah jawiga warbasho ee Magaalada Boosaso oo xiliyada qaar heer kulkeedu gaadho meel sare.

Macalimiinta wax ka dhigta Mac’hadka  ayaa ah kuwo wax ka dhiga Kuliyadda uu hoos tago Macadku ee Shareecada iyo Diraasaadka Islaamka ee Jaamacadda Bariga Afrika oo dhidibada loo taagay Sanadkii 1999 wakhti xaadirkana ay wax ka bartaan 2700 oo arday in ka badan iyadoo ka kooban 9 kuliyadood. Dhismaha hab maamulka Mac’hadka  ayaa ah heerka kala sareynta ku dhisan ee nidaamka caadiga ah ,waxaana xiligan Maamulka guud ee Mac’hadka  haya Sheekh Siciid Cismaan Xuseen (Dayib)
Gaba Gabo

Mac’hadka n ayaa ah mid u taagan sare u qaadida Tacliinta sharciga ah iyadoo la kabayo baahida jirta ee la xidhiidha barashada Cilmiga  Sharciga ah wuxuuna Macadku u t aagan yahay sare u qaadida wacyiga jiilka soo koraya kuwaa oo laga dhisayo dhinaca diinta si ay u noqdaan mustabalka dhow iyo midka fogba si ay u noqdaan kuwo Bulshada  u horseda hanuunka noqda hogaamiyeyaal la mahdiyo.

Machadka ibnu xajar al casqalaani
ee magaalada Boosaaso

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online