Faahfaahin heshiis ay ku wada gaareen Saxiixayaasha Roadmap dalka Itoobiya

May 23, 2012 - Written by

Shir uga socday magaalada Addis Abab ee caasimada dalka Itoobiya Saxiixayaasha heshiiska siyaasadeed ee xalaadda kala guurka ee Soomaaliya, ayaa maanta sheegay in ay gaareen hishiis is afgarad ah hishiiskaas oo taabanaya dhinacyada  Dasturka , ka bixida xiliga kala guurka ee DFKM, Wasiirka dastuurka DFKM Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa go,aamada ka soo baxay hishiiska is afgaradka ah ee ay wada gaareen DFKM ¨, Puntlland , Gal-mudug  iyo Ahlusunaha WalJamaaca mid taariikhi ah.

no images were found

Qodobada ilaa hadda la iclaamiya in is afgarad laga gaaray ayaa waxaa ka mid ah.

1. 26 May,2012 waxa la soo magacaabayaa guddiga xalinta khilaafaadka ee 25 xubnood

2. 1 June 2012 waxa la magacaabayaa xubnaha guddiga farsamo ee ka kooban 30 xubnood

3. 20 June 2012 odayaasha dhamaan  inay diyaariyaan ergada ansixineysa dastuurka.

4. 30 June 2012 soo gudbinta liiska magacyada ergada ansixineysa dastuurka

5. 2 July 2012 waxa loo fariisanayaa shirki ugu horeeyey ee afti u qaadida dastuurka (NCA)

6. 10 July 2012 waxa la ansixinayaa dastuurka federaalka Somalia.

7. 15 July 2012 waxa la soo bandhigayaa xubnhaha barlamanka Somalia ka mid noqonaya.

8. 20 July 2012 waxa la dhaarinayaa xubnaha barlamanka afarta sanno ee soo socota.

9. 4 August 2012 waxa la dooranayaa gudoomiyaha barlamanka iyo labadiisa ku xigeen

10. 20 August waxa la dooranayaa madaxweynaha DF Somalia

 

Halkaan ka eeg hishiiska ay wada gaareen madaxdii ku shiraysay Itoobiya

 

Suldan A. Farahseed
Communication Director Office
of the Somali President Mogadishu, Somalia

 

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online