Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed oo gaaray Degmada Afgooye

May 29, 2012 - Written by

Afgooye:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa gaaray goor dhow degmada Afgooye Gobolka Shabeellada hoose , halkaas oo ay maalmo ka hor la wareegeen ciidamada AMISOM iyo kuwa DFKM .Madaxweyne Shariif ayaa waxaa galbinayey oo amaankiisa si xooggan u sugayey ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM .

Madaxweynaha DFKM ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliya ku simaha Raisulwasaaraha DFKM Ugaas Cabdi Wahaab Ugaas Khaliif iyo wasiiro ka tirsan xukuumada DFKM waxayna haatan ku sugan yihiin Beerta Sheekh Zaa’id oo ay kulamada ay ku qaban jireen madaxada sare ee Ururka Al-Shabaab.

Madaxweynaha DFKM ayaa booqashadiisa waxaa uu ka soo bilaabay deegaanka Garasbaaley, KM13, ilaa deegaanka Ceelasha Biyaha halkaas oo uu wax yar ku hakaday isaga oo qacan qaaday qaar ka mid ah ganacsatada deegaanka Ceelasha Biyaha.

Madaxweyne Shariif oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka DFKM ayaa kulan la qaatay ciidamada AMISOM ee ku sugan deegaanka Calamada halkaas oo madaxweynaha warbixin lagu siiyey qaabka uu u socdo dagaalka .

Madaxweynaha DFKM ayaa socdaalkiisa sii watay waxaana uu ka dhaqaaqay Deegaanka Calamada isaga oo cagta sii mariye deegaanka Carbiska, Koontaroolka Baar Ismaaciil, wuxuuna gaaray markii danbe  degmada Afgooye.

Socdaalka uu ku tagay Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed Degmada Afgooye Gobolka Shabeellada hoose  ayaa ah socdaalkii ugu horeeyey uu ku tago deegaano ka baxsan magaalada Muqdisho .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online