Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif iyo wafdi uu hogaaminayo uu u dhoofay Maraykanka

May 14, 2012 - Written by

Nairobi:-Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya isagoo ku sii jeeda dalka Maraykanka oo uu ka furmi doono shir Qaramada Midoobay ay uga hadli doonaa arrimaha dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdiga la socda ayaa maalmo ka hor safar aan horay loo shaacin ku tegay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda waxaan ay kulan la qaateen Madaxweynaha dalka Uganda Yuweir Musafani, iyagoo ka wada hadlay arrimo ku saabsan dhinac amaanka gaar ahaan ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho iyo Baydhabo.

Wafdiga Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ay booqosho ku tageen goob tababar uga socday ciidamo ka tiran kuwa DFKM oo tababar kale duwan uga socday dalka Uganda iyadoo ciidamadaa ay tababarayaan saraakiil ka tirsan dalka Maraykanka , Midowga Yurub iyo dalka Uganda.

Madaxweynaha DFKM Sh Shariif Sh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxaa ku sii sagootiyey garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi masuuliyiin ka tirsan safaarada dalka Kenya iyo xubno ka tirsan 2-da gole ee DFKM ee hadda ku sugan magaalada Nairobi.

Yuusuf Caliyow
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online