Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay golaha arimaha dibadda ee dalka India(Masawiro)

May 16, 2012 - Written by

India:-Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay golaha arimaha dibadda dalka India. Madaxweynaha Puntland ayaa socdaalkiisa waxaa ku weheliya xubno ka tirsan golaha wasiirada Puntland waxayna khudbado kala duwan ka jeedsheen kulankii ay la qaateen golaha arimaha dibadda ee dalka India.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa si kooban uga hadlay Taariikhda Puntland iyo nabada iyo horumarka ay ku talaabsatay dowladiisa waxaana uu ka hadlay sidoo kale mashaariicda ay dowladiisa wado.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu si kooban uga hadlay dastuurka qabyo qoraalka ee uu buuqa ka dhashay iyo mowqifka dowladiisa iyo ansaxinta qorshaha RoadMapka waxaa uu sidoo kale ka hadlay mushkilada Burcad Badeeda iyo dhibaatada ay ku hayso Caalamka gaar ahaan Puntland isaga oo tacsi u diray dowlada India oo dhowr qof looga afduubay xeebaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole aýaa ugu danbeyntii waxaa uu ka codasay dowlada India in ay taageero dhinac walba ah u fidiso Maamulka Puntland .Madaxweynaha Puntland ayaa kulanka uu la qaatay golaha arimaha dibadda ee dalka India waxaa goobjoog ka ahaa 40 wadan safiiradooda kuwaas oo ku sugan dalka India.

no images were found

Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu si gaar ah ula kulmay safiirada wadamada Democratic Republic of Congo, Turkey, UAE, Algeria, Yemen, Ethiopia, Malawi, Burkina Faso, Benin,  iyo Masar.

Hoos ka Akhriso Khudbadii Madaxweynaha Puntland uu jeediyey.

khudbadii faroole

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2012
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online